Waxqabadkii iyo guulihii 5tii sano ee lasoo dhaafay ay ku talaabsatay Hayada Horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka ee degaanka Jorre ee gobolka Jubbada-Hoose waa mid lataaban karo sidaana waxaa sheegay Odayaasha dhaqanka ee degaanka Jorre oo uu kamid yahay Xasan-Nur Adan Aflow oo ah oday caan ka ah gobolka Jubbada-Hoose.
JDA waxaa la dhisay bishii Augost 17, 2001, si wax looga baddalo nolosha dadka ee degaanka Jorre, taasoo ka dhalatay baahida dhabta ah ee taala degaanka Jorre. JDA waxaa abuuray dhalinyaro ka gilgilatay mashaakilaadka haysta dadka degaanka Jorre kadib mudo dheer oo waxbarasho iyo caafimaad la�aan ay haysatay degaankaas burburkii dalka kadib.
Haddaba qormadan waxaanu ku eegaynaa su�aasha ah - maxay qabatay JDA 5tii sano ee lasoo dhaafay?
Ujeedooyinka JDA iyo waxa ay u qabato dadka Jubbada-Hoose:
1. Waxbarashada (Caawinta waxbarashyada iyo skuulada) 2. Caafimaadka (Xoojinta Caafimaadka Hooyada iyo Caruurta) 3. Ka hortaga Nabaad~Guurka dhulka iyo degaanka 4.Wacyigalinta bulshada ee dhinaca Nabada iyo xalinta khilaafaadka 5. Mashruuca caawinta dib u dajinta Qaxootiga 6. Wacyigalinta in Dumarku ay ka qayb-qataan hawlaha bulshada 7. Mashruuca caawinta bulshada ee dhinaca Biyaha 8. Mashruuca Beeraha iyo Xannanada Xoollaha
Haddaba hayadu waxay u kala saartay qorshaheeda sida baahida deegaanku u kala culus tahay iyadoo lagu xisaab tamayo baaxada baahida iyo awooda hay�ada. Taasi waxay keentay in laba waji loo kala qaado hawsha laqabanayo si looga midho dhaliyo ujeedada hayada:
Wajigii 1aad: 1. Waxbarashada (Caawinta waxbarashyada iyo skuulada) 2. Caafimaadka (Xoojinta Caafimaadka Hooyada iyo Caruurta) 3. Ka hortaga Nabaad~Guurka dhulka iyo degaanka
Waxaa farxad noo ah inaan ku guulaysanay qorshihii loo dajiyay 3da qodob ee kor ku xusan 90%. � Waxbarashada: Alle mahaddiise waxaan dhisnay school 8 qol ah iyo 2 musqulood oo Gabdhaha iyo Wiilasha kala ah. Maanta waxaa School ka dhigata 177 (147 Caruur ah iyo 30 dadka waawayn ah) arday oo isagu jira Fasalka 1ad ilaa iyo midka 4aad. Waxaa wax ka dhiga 5 macalin. Waxaan helay caawimaad dhinaca Buugaagta ah oo katimid Prof. Mohamed Abdi Xaji oo loo yaqaano Prof. Gandi. Waxaan odhan karnaa qorshihii Schoolka 100% ayaa noo hirgalay. Hirgalinta Schoolkan waxaa suurta galiyay Jaaliyada N. America ee kasoo jeeda gobolka Jubbada-Hoose, shaqsiyaad iyo ganacsatada Somaaliyeed oo taageero hagar la aan ah nala garab istaagay.
� Caafimaadka: Waxaa kaloo noo hir galay Isbitaal 3 qol oo Jiif ah, Qol ama Hall bukaanka lagu qaabilo iyo 2 musqulood oo Dumar iyo Rag kala ah. Isbitaalkan oo aan wakhtigan xaadirka ah ku mashquulsanahay qalabayntiisa iyo dawo dhigistiisa waxaa suurta galiyay Jaaliyada S. Africa oo balan qaaday inay siiwadayaan taageeradooda inta laga gaadhayo dawlad lawareegta xilka arimaha bulshada ee ummada Somaaliyeed. Waxaan odhan karnaa qorshihii Isbitaalka 80% ayaa noo hirgalay.
� Nabaad~Guurka dhulka iyo degaanka: Waxaan xooga saarnay wacyigalinta dadka siddii looga hortagi lahaa Jaritaanka dhirta oo keentay Xaalufin iyo Nabaad~Guur ku yimid dhulka iyo degaanka. Iyadoo lala kaashanayo Odayaasha degaanka, wax-garadka, aqoon yahanka iyo hayadaha caalamiga ah sida UNDP. Waxaanu abaabula iyo wacyigalin balaadhan u galay siddii looga hortagi lahaa kuwa Dhuxusha gura iyo kuwa Geedaha Waawayn gura si looxa dibadaha loogu dhoofiyo.
Waxaa wax laga naxa ah in la�guray geedo waawayn oo 400 oo sano jir ah dibadahana loo dhoofiyay looxii laga sameeyay. Waxyaabihii aan lakulanay ee ugu yaabka badnaa waxay ahaayeen; markii dadka aan kala hadlaynay dhibaatada ay keeni karto dhirta oo lajaraa, dadkii waxay nagu yiraahdeen �dhul ay xooluhu noo daaqaan oo banaan ah ayaaba nalooga dhigayaaye noo daaya dhirta hanalaga jaree�
Wajiga 2aad: 1.Wacyigalinta bulshada ee dhinaca Nabada iyo xalinta khilaafaadka 2. Mashruuca caawinta dib u dajinta Qaxootiga 3. Wacyigalinta in Dumarku ay ka qayb-qataan hawlaha bulshada 4. Mashruuca caawinta bulshada ee dhinaca Biyaha 5. Mashruuca Beeraha iyo Xannanada Xoollaha
Wajiga labaad oo 5 qodob ka kooban waa qorshe dheer oo u baahan in lagu wajaho nidaam bulshada lagu wacyigaliyo, iyadoo loo marayo tababaro dadka deegaanka lagu siiyo inay iyagu hawsha gacantooda ku qabsadaan, si dadka loo fahamsiiyo inay isku tashadaan loona gaadho in dadku ay arimahooda garasho u yeeshaan inay iyagu xalistaan.
Dhinaca dib u dajinta dadkii dalka dagaalkii sokeeye awgiis ka qaxay; waa in lagu taageero hay�adaha caalamiga ah sida UN sidii dadka dib u dajin loogu kaalmayn lahaa, iyadoo loo marayo dariiqyada ugu sahlan.
Degaanka Jorre ee Jubbada-Hoose oo ah degaan barwaaqo ah ayaa qorshaha hay�ada JDA uu yahay in dadka degaanku inay helaan biyo nadiif ah, iyadoo la tix raacayo qorshayaasha UN ta ee ah in sanadka 2020 qof-walba oo bani-aadam ahi inuu helo biyo nadiif ah. In kastoo aynu og nahay in xaalada Somalida badankeedu ay ku jiraan inuu yahay; biyo nadiif ah iskaba daaye bidhaantoodiiba inaan lahayn!
Dhalinyarada, wax-garadka, aqoon-yahanka ee degaanka Jorre iyo maamulka JDA waxuu go�aan koodu yahay siddii looga midho dhalin lahaa dhamaan qorshayaasha kor ku xusan, iyadoo ay marag madoonta tahay in midhaha iminka lagaadhay sida Schoolka, Isbitaalka iyo ka hor taga Jarida dhirtuba inay yihiin wax cad oo lataaban karo oo hirumar ah oo ay hay�adu ku tilaabsatay. Maamulka cusub ee JDA ee uu horkacayo Mr. Maxamed Sh. Xasan waxay aamin san yihiin in lagaadhi karo dhamaan qorshayaasha kor ku xusan iyadoo la adeegsanayo waxgaraka, aqoon yahan ka, iyo gaar ahaan dadka degaanka ee ay arintu taabanayso.
Baaq: shirwaynihii 4aad ee JDA ee dhacay bishii May 27/28, 2006, waxaa kasoo baxay baaq loogu baaqayo dhamaan hay�adaha horumarinta ee ka shaqeeya adeeg yada bulshada ee Somaliya gaar ahaan kuwa Jubbooyinka inay sameeyaan: 1. Is kaashi dhinaca arimaha horumarineed ee ay u fidinayaan bulshada tabaalaysan, iyo 2. Inay is dhaafsadaan waxii akhbaaraad ah ee loo baahan yahay in dadk baahan loo gudbiyo, iyo 3. Iskaashiga dhinaca wacyi galinta bulshada.
Maamulka JDA waxuu soo dhawaynayaa dhamaan hay�adaha Samafalka iyo shaqsiyaadka doonahaya inay wax kaqabtaan dhibaatada haysata dalka ee isagu jira kuwa dadku keenay iyo kuwa dabiicigaba (natural disaster).
Maamulka GodeyNews waxuu hanbalyo ku aadan sanad guuradii 5aad u dirayaa hay�ada JDA iyo maamulkeeda gaar ahaan dadkii helay JDA sida Badel Abdi-Diiriye, Suldan Aden Gaabane, iyo Eng. Abdi Hussein Baralle, Ali Xaamud Yusuf iyo Qorane Muxumed Shuuriye.
Hay�ada JDA waxay u mahad naqaysaa Odayaal dhaqmeedkii, Aqoon-yahanadii, Culima-udiinkii iyo marti sharaftii kasoo qayb gashay shirwaynihii 4aad ee JDA halkaasna kasoo jeediyay khudbado boogaadin iyo mahadnaq isagu jira kuna aadan wax qabadkii JDA ee 5tii sano ee lasoo dhaafay, waxaana kamid ahaa:
1. Marwo Maryan Aw-Ali 2. Marwo Xaliimo Askar Qorax 3. Prof. Mohamed Wali Abbas 4. Dr. A/rashid Elmi Aabi 5. Dr. A/rahman Ahmed 6. Dr. Abdi Aden 7. Ganacsade Ahmed Xaamud Kuluc 8. Sh. Ahmed Jalose 9. Ugaas A/llahi Ugaas Muxumed Ugaas Qani 10. Suldan Adan Gaabane Macalin Sanbul 11. Diiriye Ugaas Layli Ugaas Siigaale 12. Xasan Nuur Adan Aflow 13. Qorane Muxumed Shuuriye 14. Sh. Aden Cilmooge
Degaanka Jorre oo waliggiiba ahaa mid aad u danbeeya oo ay ku tacadiyeen dawladihii Somaliya soomaray ayaa ah degaamada ugu qanisan uguna khayraadka badan dhamaan dalka Somaliya, marka la�eego dhinaca Xoollaha, Beerraha, Dhirta, Bada, Macdanta, Cusbada, Ugaadha (wild Animals) etc. Balse waxaa Alle mahadiis ah in wax-garadka, aqoon-yahanka iyo dhalin yarada u dhalatay deegaanka Jorre inay u istaageen siddii wax looga qaban lahaa dib-u-dhaca haysta degaanka Jorre iyo guud ahaanba Gobolada Jubbooyinka, iyadoo lala kaashanayo dhamaan wax-garadka iyo aqoon-yahanka Somaliyeed, shaqsiyaandka iyo hay�adaha caalamiga ah ee danaynaya horumarinta iyo caawinta dadyowga dhibaataysan ee geeska Africa.
GodeyNews Staff GodeyNews Bureau Columbus, Ohio
|