Maxaa kajira in Xildhibaan Cabdirashiid C. Jaamac ONLF dhaawacday?
Cabdirashiid C. Jaamac oo ah xildhibaan reer Shilaabo ah ayaa wuxuu kamid ahaa mudanayaashii fadhigoodu yahay Jigjiga ee ay ciidamada dowladu usoo dirtay deegaanadii ay udhasheen ee laga soo doortay si ay uga qayb qaataan hawgalka milatari ee lagu sifaynayo ONLF iyo siday shacabka u abaabuli lahaayeen una suura galin lahaayeen inay dib usoo nooleyaan maleeshiyooyin deegaameed oo ka hortaga ONLF, dhaaraana unoqda ciidanka dowlada.
Xildhibaan Cabdirashiid ayaa markuu tagay deegaankiisii bilaabay isaga iyo masuuliyiintii kale reer Shilaababa inay ubaxaan tuulooyinka ku dhow dhow Shilaabo si ay dadka uga soo dhaadhiciyaan inay maleeshiyooyin laqoro keenaan, kuwaasoo iskaga difaacaan ONLF iyo inta nabada diidan.
Xildhibaanka iyo masuuliyiintii kale oo kasoo noqday hawlgalkii wacyi galinta ayaa nasiib xumo baabuurkii ay wateen wuxuu si kama ah ujiidhay oo maray isagoo dhulka tagan xildhibaan Cabdirashiid oo meeshas dhaawac kusoo gaadhsiiyey, islamarkiiba waxaa xildhibaanka diyaarad kaqaaday Airportka Shilaabo, isagoo loo duuliyey dhanka Magaalada Diri-dhaba si dhakhtar tayo leh loo geeyo.
Hadaba mid kamid ah websiteyada dhulka ismamulka Soomaalida wax kaqora ayaa maalmo kahor soo qoray in ururka ONLF ay si gaadma ah u weerareen xildhibaanka dhaawacna ay ugaysteen, arintaas oo aad xaqiiqda uga fog sal iyo raad toonana lahayn.
Mar aan la xidhiidhay isbitaalka uu kujiro xildhibaan Cabdirashiid ee magaalada Diri-dhaba ayaa la ii xaqiijiyey in xaaladiisa caafimaad kasoo raynayso, qaar kamid ah ehelka mudanaha oo aan lahadlay ayaa iyaguna ii sheegay siday uga xanaaqsan yihiin warkan aan sugnayn ee la qoray.
Iyadoo aysan jirin cid talaabo ka qaadaysa saxaafada ku xad gudubta shuruucda saxaafadeed iyo iyadoo ay aad uliidato aqoonta iyo tayada ay lee yihiin raga wax ku qora bogaga ayaa baryahan dambe waxaa kusoo badanaya saxaafada degaanka Ogaden warar aan sal iyo raad toona lahayn oo marka aad usii dhaba gasho aad garanayso inaysan meesha ka madhnayn (RUN WAXBA KAAMA GALINE RAG ISKA CELI).
ayaa waxayba bogaga qaar u arkaan inay ceeb ku tahay bogagooda inay cudur daar ka bixiyaan wararka beenta ah ee noocan oo kale ah.
Isku soo uruuriyoo malaga yaabaa in websityadii qoray qoraalkaas beenta ah markay runta ogaadaan ay dib uga cudur daartaan. Taasoo saldhig u ah saxaafada saxda ah meeshay doonto hajoogtee.