Godey: Dagaal ooge Maxamed Dheere oo ku dhumanaya xerada ciidanka milatariga ee (Birgeedhka) Godey
Wariyaha Godeynews ee magaalada Godey ayaa waxuu sheegayaa in dagaal ooge Maxamed Dheere oo laga qabsaday magalada Jawhar uu hadda kusugan yahay xarunta ciidamada Militariga ee Birgaydhka Godey.
Maxamed Dheere ayaa in muddo ah kusugnaa magaalada xaduudka ah ee Feerfeer isagoo rajo ka qabay in dawladda Ethiopia ciidamadeedu ay gacan qabato oo ay ka difaacaan ciidamada maxkamdaha ee hadda gacanta ku dhigay Jawhar.
Dhinaca kale waxaa shacabka magaalada Godey sheegayaan inuusan Maxamed Dheere kasoo bixi karin xerada ciidanka, isagoo cabsi kaqaba shacabka reer Ogaadeeniya ee kudhaqan magaalada Godey, kuwaasoo uu hadda kahor in badan ka afxumeeyay idaacadaha muqdisho iyo BBCda.
Balse hadda waxuu usoo qaxay dadkii reer Ogaadeeniya ee uu idaacadaha ka afxumayn jiray isagoo aad moodo in xaaladiisu kusughan tahay "Nin qoyan biyo iskama dhawro".
Lasoco qormooyinka danbe ee Godeynews waxii kasoo kordha arimahaas iyo kuwa kelaba.