IGAD oo si wayn ugu kala qaybsan wajiga cusub ee Xamar iyo Somalida maanta.
Wadamada laysku yiraahdo IGAD oo si wayn ugu kala fogaaday isbaddalka layaabka leh ee sida degdega ah u baddalay gabi ahaanba wajiggii siyaasadeed ee geeska Africa gaar ahaan middii Somalia.
Wadamada IGAD oo majaraha u hayn jiray ciyaartii siyaasadeed ee 15kii sano ee lasoo dhaafay Somaliya lakici wayday ayaa markale ku kala qayb samay wajiga cusub ee Xamar. Xaaladda lama filaanka ah ee ka dhacday Xamar ayaa waxay timid kadib markii ay xooggaga Midaysan ee Islaamiga ahi ay lawareegeen gacan ku hayntii Mugadishu.
Haddaba waxaanu qormadan ku eegaynaa aragtida Somalida, mida wadamada IGAD iyo mida caalamkaba.
Aragtida Somalida; waxaa GodeyNews u suurta gashay inay waraysato aqoon-yahanada iyo siyaasiyiinta Somalida, waxayna isku raaceen in xaalada cusub ee Xamar kadhacday ay 100% dhaanto xaalladdii ay Xamar ku jirtay 15kii sano ee lasoo dhaafay. In Xamar ay qab sato hal awood oo kaliya ayay sabab uga dhigeen aragtidooda, balse ay Somali oo dhan u taalo in salka loo dhigo xaalada cakarin oo wakhti lasiiyo, lagana warsugo bal sida ay xooggagan wax u maamulaan.
Somalidu waxay isku raacsan tahay in isbaddalka dhacay uu ka yimid �Kacdoon dadwayne� taasoo ay laqabaan qaar kamid ah wadamada IGAD sida Kenya, Jabuuti, Sudan iyo Uganda. Gaar ahaan wadanka Kenya oo marti galiyay dib u heshiisiintii Somalida ayaa isagu aan la gabanin meesha uu kataaganm yahay qadiyada cusub ee Somalia, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya Mr. Tuju ayaa wadamada IGAD u cadeeyay in Dagaal-Oogayaashu ay ahaayeen �Argagaxisada� dhabta ah ee Xamar 15kii sano ee lasoo dhaafay, kuna tilmaamay Maxaakiimtu inay yihiin �Kacdoon dadwayne� .
Hadaladdii Wasiirka arimaha dibada ee Kenya waxaa kamid ahaa: Kenya's Tuju said it was the warlords who had "terrorized" the Somali capital for 15 years, and call the Islamic group's takeover of Mogadishu a "popular uprising."
Kenya waxaa kaloo ay qaaday talaabo geesinomo leh oo ay ku xayirayso dhamaanba Dagaal-Oogayaasha iyo hantidooda, iyadoo ay kacodsatay in wadamada kale ee IGAD ay sidoo kale yeelaan. Jabuuti ayaa iyaduna qaadatay mowqif noocaas oo kale ah.
Balse Itoobiya ayaan laqabin arinkaas oo waliba ay cadaysay wal-walka ay kaqabto Kacdoonka Xamar iyadoo ka dhex aragta shaqsiyaad ay awalba farta wadnaha kaga haysay iyo Itoobiyaanka oo caan ku ah caawinta hadba Qabqablaha iyo Dagaal oogaha laga taag roonaado inay soo celiso.
Hasayeeshee waxaa layaableh in saaxiibkii ugu waynaa Itoobiyaanka ahna madaxwaynaha ku meelgaarka ee Somalia Mr. Abdullahi Yusuf inuu taabacsan yahay xooggaga cusub oo uu waliba doonayo inuu wada hadal lagalo degdeg ah. Haddii ay is afgartaana ay keeni karto in ay soo afjaranto xilliggii madoobaa ee ummada Somaliyeed ay ku jirtay muddada dheer. Mawqifka Madaxwayne Abdullahi Yusuf ayaa isbaddalay kadib markii ay Itoobiyaanku ka hoos guureen oo ay garab istaageen Dagaal Oogayaasha Xamar lagaga adkaaday.
Dawlada Maraykanka ayaa iyaduna waxay ku noqotay argagax kadib markii ay ogaadeen in Xamar ay lawareegeen qolyahay ay Maraykanku laxadhiidhiyaan Argagaxisada, lagana adkaaday Dagaal-Oogayaashii ay taageerayeen. Siddii qof hurdo katoosay camal ayuu Maraykanku bilaabay xayd xaydasho iyo siddii xaalka laga yeeli lahaa. Waxaadna moodaa in siyaasada Maraykanka ee Somalia ay fashilantay markele. Iyadoo waliba ay ururka Midowga Africa iyo kan IGAD ay sheegeen in Maraykanku uu maja xaabinayo wax allaale iyo waxii dadaal ahaa ee loo soo galay siddii Somaliya dawlad loogu samayn lahaa.
Hasayeeshee Maraykanku waxaa uu hada wadaa in wada xaajood toos ah ay lagalaan Maxkamadaha Midoobay, iyadoo uu Maraykanku doonayo in gacanta loo soo galiyo shaqsiyaad ay doondoonayaan, taas baddalkeedana ay Maxkamaduhu helaan taageerada Maraykanka iyo in Somaliya salka dhulka loo dhigo.
Akhristow iyadoo xaalku sidaa yahay ayaad moodaa in Aqoon yahankii iyo Siyaasiyiintii Somalidu ay kamaqan yhihiin masraxa, iyadoo ay maanta taagan tahay daba qabatayn waxii ka hadhay dadkii iyo dalkii Somaliyeed.
Isku soo wada duuboo Somaliya waxay yeelatay waji iyo siyaasad cusub oo aad loowada danaynayo. Su�aashuse waxay tahay Somalidu ma garan doontaa inay kagudubto marxaladda cusub ee ay cagta saartay???