Shirkii lagaga hadlayay deegaanka Joorre (Badhaadhe) oo si wanaagsan la iskugu afgartay
Shir ay Axadii, 17/06/06 ka dhacay magaalada London oo ay iskugu yimaadeen jaalliyadda dibadda ee Joorre (Badhaadhe) ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne badan, aqoonyahano iyo waliba siyaasyiin kasoo jeeda deegaanka oo hadda kusugan magaalada London.
Qodabadii ugu mihiimsanaa ee shirka loo qabtay ayaa waxaa kamid ahaa;
*Sidii loosii xoojin lahaa dadaalada dib u dejineed ee laga wado wadanka gudihiisii (Dib sidii loogu soo dejin lahaa dadkii ka qaxay dagaalada sokeeya)
*Sidii la iskugu diyaarin lahaa ismaamulka cusub ee la filayo in xilli dhaw laga hirgelayo deegaanka Jubbaland.
Dhinaca kale waxay masuuliyiinta shirka kasoo qayb galay usheegeen shacabkii inay muhiim tahay in siyaasiyiinta beeshu si wanaagsan ugu istaagto danaha iyo deegaanka ay ku leedahay Gobalka Jubbada Hoose.
Masuliyiintii sida hufan meeshaas uga hadlay waxaa kamid ahaa; Hogaamiye beel dhaqameed Gamadiid Maxamuud Faarax, Maxamuud Ugaas Muxumed, Eng Bashiir Nuur, Mukhtaar Mahat, Xuseen iyo Xabiib iyagoo isla goobtaasna dadka ugu sheegey inay ku gudo jiraan qaban-qabadii ay ugu yaraan labo masuul ay gudaha deegaankii ugu diri lahaayeen si ay usii dhamaystiraan hawlo qaybyo ah.
Hadaba si arimahan iyo kuwa kale oo shirka lagaga hadlay loo hirgelayo ayaa waxaa shirkii laga dhex doortay 3 xubnood oo kala ah;
1-Mukhtaar Mhat 2-Geedi 3-A/salaam Xaaji Soodaan
Masuuliyiintan ayaa beesha u matali doono arimaheeda siyaasadeed ee ku wajahan deegaanka Joorre Badhaadhe.
Waxaan shirka kaqadnay sawiro balse illaa iyo hadda diyaar ma aho, markay diyaar noqdaana waan soo gelinayna Inshaallaah.