Kadib markii ay dad odayaal ah isku dayeen inay booliska kasii daayaan wiilashan aan waxba galabsanin ama ay damiin ka noqdaan ayaa waxaa iyagana loogu hanjabay in xabsiga lala gelinayo hadii aysan meesha ka dhaqaaqin.
Labadan masuul iyo masuuliyiinta kale ee magaalada Godey ayaa waxay waayadan danbe caadaysteen inay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada ay si xad dhaaf ah ugu xadgudbaan iskana xir-xiraan iyagoo qof kastaba ku eedeeya inuu la shaqeeyo ururka ONLF taasoon inta badan run ahayn kana fog xaqiiqda.
Iskusoo wada dudooboo xadgudkan noocan oo kale ah ee ay masuuliyiinta Degmadu ku hayaan shacabweynaha ku dhaqan magaalada ayaa ah mid maalinba maalinta ka danbaysa sii badanaya, maadaama ay ku gabanayaan magaca la dagaalanka ururada nabad diidka. Balse sida muuqata iyagaaba dadka uga daran, isla markaasna ku qasbaya inay raacan ururada ay kusheegayaan nabad diidnimada.