Deegaan ahaan magaalada Godey waa meel istraatiji ah (Militarily) aadna muhiim ugu ah dawladda Ethiopia. Dhul ahaan waa meel aan ka fogayn xaduudka Soomaaliya, isla markasna waxay leedahay garoon caalami ah oo diyaaradaha milatariga iyo kuwa shibilkuba si fudud u isticmaali karaan.
Dawladihii kala gedisnaa ee Ethiopia soo maray ayaa markastaba garoonkaas u isticmaali jiray hawlahoodu milatari ee ay inta badaneyd kaga soo horjeedeen maamuladii burburay ee Soomaaliya.
Nasiib xumo Godey waxay noqotay magaalada ay kusoo cararaan dagaal oogayaasha soomaaliya marka lagaga soo adkaado dagaalada sokeeye ee wali ka holcaya Soomaaliya, waana marinka hubka iyo taageerada loo soo marin jiray. Balse hadda waxay Godey u muuqataa meesha dawladda Ethiopia kasoo taageeri doonto dawladda kumeel gaarka ah Soomaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.