GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Addisababa: Shirkii Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga oo Arimo Badan Lagu soo Qaaday

Shirkii xafiiska raisul wasaare Zenaawi uu ugu yeeray xubnaha guddiga fulinta xisbiga maamula Ismaamulka Soomaalida oo ay goobjoog ka ahayeen wasaradda kililada iyo madaxda ciidamada ayaa sida la sheegayo waxyaabo badan lagu soo qaaday, kuwaasoo badankooda hadda kahor laga filayay inay ka hirgeliyaan gudaha deegaanada Soomaalida.

Arimaha sida qotada dheer raisul wasaare Zenawi kala hadlay xubnahan gudiga fulinta, wasiirka kililada iyo Generaalka ciidamada ayaa waxaa kamid ah; Arimaha Nabad-galyada, musqmaasuqa iyo hirgelinta mashaariic Horumarineed oo heer federal ah.

Markii laga hadlayay qodabka nabad galyada waxaa meesha loogu sheegay inay maamulka kililka iyo ciidamaduba ay qayb ka yihiin nabad galyo xumida deegaanka. Waxuuna sheegay in shacabka ismaamulka soomaalida ay aad ugu dul qaateen maamul xumidan kajirta deegaanka oo idinku si wadajir ah u badeen. Sababtoo ah waxaad maamuladii gaarsiin waydeen degmooyinka iyo tuulooyinka iyo waliba meelaha kasii hooseeya oo uu kaliya ku egyahay magaalooyinka waaweyn sida xarunta JigJiga oo noqotay meesha xubnaha baarlamaanku ay ku dhamaystaan 5 sano iyagoo wali qayilaya oo ninba nin haysto.


Dhinaca kale Zenaawi ayaa ad u amaanay maruu ka hadlayay hawshi ay soo qabteen guurtadii ismaamulka soomaalida ee hadda kahor arimaha nabadgalyada dibadda u aaday aya waxuu u sheegay in si degdegh ah looga cawiyo sidii shirweyne loogu qaban lahaa guduha wadanka, kasoo kasoo qayb galaan jaaliyadaha dibadda iyo kuwa gudahaba. Waxuuna loo sheegay in xubna guddiga fulinta ay dib isugu noqdan oo ay soo qimeeyan waxa ay dawlada dhexe uga bahan yihiin, tasooy hadda ku guda jiraan diyarinteeda.

Sidoo kale waxaa dawladdu ogaysiisay inay dar-dar cusub gelinayso dhamaystirka jidka laamiga ah oo wajiga ugu horeysa imaan doono Shilaabo,Godey, kadibna usii gudbi doono magaaloyinka kale ee kuyaalla xuduudka soomaaliya. Waxaa isla meeshaas xubnihii looga sheegay in dawladda dhexe ay qandaraaskii jidka lagu dhisi lahaa ay dib ugala noqotay shirkad dawladde dhexe ahaa oo hadda kahor haystay qandaraaskaas, balse hadda ay ku wareejiyeen shirkad Chinese ah oo la filayo inay ka wax qabad santahay midii hore loona qaban doono xili kooban oo ay kusoo gabagabayso dhisitaanka jidadkan.

Dhinaca kale waxaa xubnahan loo sheegay inay dawladdu dhexe ay ku hawlan tahay sidii ay degdeg ugu hawl gelin lahayd shirkado ku guulaystay soo saaritaanka shidaalka (Ogaden Basin) ee Hilale iyo Jeexdin oo labaduba ku yaalla deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya.

Sida laga wada warhayo kulanadan oo kale u dhexeeya masuuliyiinta Ismaamulka Soomaalida iyo dawladda dhexe in badan ayay hadda kahor dhaceenn, kuwaasoo sida caadiga ah balan qaadyo lagu sameeyo, balse waxba kama hirgalo maadaama uusan jirin cid la xisaabtanta dadka loogu tala galay hirgelinta hawshaas.

Laakiin waxaa ugub ah oo aan hadda kahor dhicin ayagoo is horfadhiya inuu raisul wasare Zenawi uu hal mar si wadajir ah uwada eedeeyo wasiirka kililada, generaalka ciidamada ee Harar fadhiya iyo masuuliyinta kilika.

Cumar YARE,
Godeynews.com
Addisababa.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com