Godey: Madaxweynaha Somaliya oo Waxyar ka Hor ka soo Dagey Garoonka Diyaaraha Ee Caalamiga ah ee Magaalada Godey
Godey, 6/20/2006 - Madaxweynaha Somaliya oo ay wehliyaan xubno katirsan dowladiisa ayaa goor dhaweyd ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada Godey ee deegaanka Somalida Ogadenya.
Safarka madaxweynaha oo wariyaheena magaalada Godey uu ka warhelay xaley galinki danbe, ayaa markuu garoonka ka soo dagey waxaa loo galbiyey dhinaca xerada weyn ee ciidanka federalka ee ku taal duleydka magaalada (Birgade-ka).
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweyey koroneylka heysta xerada Birgade-ka oo ay wehliyaan saraakiil ciidanka ka mid ah iyo kuwo deegaanka ah oo la shaqeyo ciidanka.
Kulanka madaxweynaha Somaliya iyo saraakiisha ciidanka ayaa lagaga hadli doonaa arimaha Somaliya iyo isbadalada siyaasadeed ee ku soo kordhay, waxaana diirada la saari doonaa sida ugu haboon ee dowlada federalka ah ee Etoobiya ay kaalinteeda uga qaadan laheyd sugida amaanka ee saldhigyada dowlada Somaliya ku leedahay magaalada Baydhabo.
Dhanka kale, waxaa ilaa shalay magaalada Godey la sheegayey in magaalada ay imanayaan qabqablayaashi Somaliya ee Muqdisho lagaga adkaadey, in kasta oo wariyaheena oo dhowr jeer garoonka tagay shaley uunan arag imaatinkooda, balse waxaa soo baxayo hadalo aanan la hubin oo sheegayo inay xaley yimaadeen qeybo ka mid ah ragaas.
Socdaalka madaxweynaha Somaliya ayaa ku soo beegmay xili dowlada Etoobiya lagu eedeynayo inay ciidan u dirtay dhanka Somaliya, walow dowlada federalka Etoobiya diiday arintaas, hadana waxaa iska cad in ciidamada federalku dhaq dhaqaaq xowli ku socdo ay ka wadaan xuduuda qeybta gobolada koonfureed ee Somaliya.