Wardheer: Jabhadda ONLF oo magaalada Caado ku dishay Suldaan Ibraahim Suldaan Cali Saafi & lix qof oo kale
Wariyaha Godeynews ee Magaalada JigJiga ayaa waxuu nasoo garsiiyay in jabhada ONLF ay magaalada Caado ee gobalka Wardheer ku dishay 7 qof oo uu kamid yahay Suldaan Ibraahim Suldaan Cali Saafi oo si fiican looga yaqaano deegaanada ismaamulka soomaalida Ogadeeniya.
Waxay wararku intaas ku darayaan warar is khilaafsan oo ku saabsan dadka ku dhawacmay weerarkaas oo wararka qaar sheegayan inay yihin 7-10 qof, meesha qaar kelana ay sheegayaan 10-15 qof, illa iyo 20 qof oo 3 dumar yihiin ay afduubasho kula tageen. Balse waxaan laisku khilafsananayn oo lagu celcelinayaa dhimashada Suldan Tahar iyo dad badan oo dhawac ah oo dhawacoodu helis yahay.
Waxaan sharaxad dheeri ah illaa iyo hadda aan laga bixinin sababta keentay in jabhaddu weerarto magaladaas oo ay haddana ku disho dadkii dhaqanka ee mudnaa in dhiigooda la badbaadiyo sida Suldaan Ibraahim Suldaan Cali Saafi iyo waliba 6 qof ee kale oo wali magacyadooda aanan helin.
Isku soo wada uruuriyoo ma aha markii ugu horeysay ee gudaha Ismaamulka Soomaalida Ogadeeniya ay jabhada ONLF ku layso dad shicib ah oo aan waxba galabsanin. Lamana filayo inay noqoto tii ugu danbaysay inta magacii ururka iyo qadiyadiiba ay jeebka ku wataan xubno kooban oo iskaga tamashleenaya wadanka dibadiisa, iyagoo wali baadigoobaya danahooda khaaska ah. Balse isla kooxdan ONLFta sooma ahayn tii heshiiska lagu ilaalinayo midnimada Ethiopia lagashay ururada Axmaarada iyo Oromada oo sidaan kawarhayno ogalayn jiritaanka qowmiyada Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya.