Ciidamada milatariga Ethiopia iyo ismaamulka kilika soomalida ayaa muddo dheer ku hawlanaa sidii ay usoo afjari lahayeen dhaqdhaqaaqa onlf oo inta badan lagu eedeeyo inuu Eriteria hub kasoo qaato,kalana soo dego xeebaha soomaaliya.
Hubkaasoo si dhuumasha ah usoo gala gudaha ismamulka Soomaalida Ethiopia, inta badana keena isku dhicitaan labada qolo ee ciidamada dawladda iyo ONLFta oo sababta in dad shicib ah ay ku dhintaan.
Hadaba iyagoo taas ka duulaya ayay sarakiil ciidamada kamid milatariga kamid ah iyo madaxda Gobalka wardheer ayaa waxay shir u qabteen isimada iyo garadyada deegaanka Buuhoodle meeshaas oo ay heshiis kula galeen inaysan deegankooda u ogolanin in ururka ONLF soo dhexmaro, hadii ay taas dhacdana in iyaga ka masuul noqon doonaan dhibaatadii katimaada.
Cuqashii iyo Garaadkii iskugu yimid waxay soo saareen baaq ay ku cadeynayan inaysan dhulkooda u ogolanaynin ururada xabadda kaga soo horjeeda Ethiopia, isla markasna aysan diyaar u ahayn waxii wax u dhimi kara nabad galyada deeganada beesha Dhulbahante.