GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Ujawaabid Qoraalkii Abdiwahaab Maxamed Yusuf ( Bujulaa )

Haddaanu nahay Jaaliyada iyo waxgaradka gobolka Godey ee kunool qurbaha waxaanu aad uga xunahay qoraalka uu ninka maamula RDA siidaayay kagana hadlay mawqifka RDA ee kusaabsan qalabkii u socday Isbitaalka Godey ee loo leexiyay deegaanka uu kasoo jeedo madaxa RDA.

Ninka maamula RDA inuu isdifaaco waxaa uga haboonayd inuu raalligalin ka bixiyo go�aankii layaab ka lahaa ee uu ku talaabsaday iyo waliba kalmadii qalafsanayd ee ahayd �Reer Godey way Saluugeen�. Go�aan kaas iyo erayada qalafsan oo keenay in dib la�isu waydiiyo qofka uu yahay Abdiwahaab Maxamed Yusuf (Bujulaa).

Haddaanu nahay Jaalliyadda reer Godey ee qurbaha waxaanu aamin sanahay in go�aanka uu qaadatay ninka maamula RDA inuu ku salaysan yahay oo kaliya; Nacayb, Qabyaalad iyo ujeedooyin ka shisheeya samafalka uu sheegto ninka maamula RDA.

Waxaanu cadaynaynaa in Jaaliyada reer Godey ee UK inay kadan baysay dhamaan documents iyo dadaalkii howsha lugu qabtay, isla markaasna ay u xilsaareen shaqsiyaad gaar ah oo arintan ku xeel dheer sidaasi daraaded waxay noqotay layaab in Mr. Bujulaa inuu ku faano inuu isagu lahaa kaligii maamulida alaabta, balse uu isticmaalay awooda hayada oo magaceeda wax lagu soo saaray. Isla markaasna aanu ka xishoonay in dacwo iyo is qab-qabsi wax lagu xaliyo. Waxaa kaloo cadaatay inuusan Mr. Bujulaa ahayn shaqsi aamin ah iyo mid qawl ka xidhmo midnaba ee uu yahay shaqsi caan ku ah inuu ka faa�iidaysto maalinta ay u soo marto!

Reer Godey waa ka maarmaan 2 boqol oo shay (expired items) oo qashin-qubka reer Yurub lagu dari lahaa; balse hada uu Mr. Bujulaa ku magac raadsay. Waxaan u sheegaynaa ninka ku qadhaabta magaca samafalka ee RDA inuusan dib danbe isagu dayin inuu isticmaalo magaca Isbitaalka Godey, isla markaasna Bujulaa iyo hayada uu ku qadhaabtaba ay mamnuuc ka tahay gobolka Godey oo dhan.

Dadka reer Godey waxay diyaar u yihiin inay isku tashadaan gaadhaana danta ay leeyihiin, iyadoo aan loo kala hadhin. Waxaan Mr. Bujulaa u sheegaynaa in isbiltaalka gobalka Godey oo ah midka ugu tayada fiican Isbitaalada Kililka inuu rajayn hayo sida ugu dhaqsaha badan qalab fara badan, laakin isaga aan wax looga baahan yahay aysan jirin, balse dhacdadan aanu ku baranay cadawga shacbiga reer Godey oo kaliya.

Waxaanu ka digaynaa in laga digtoonaado Abdiwahaab Maxamed Yusuf ( Bujulaa ) iyo magaca uu huwan yahay ee samafalka kaas oo bulshada gobolka u horseedi kara kala-qaybin iyo qalalaaso siyaasadeed.

Waxaanu u sheegaynaa ninka ku-amar-kutaagleeya RDA in go�aankii foosha xumaa ee uu wanaaga u arkay inuu abuuray mugdi siyaasadeed oo aan la�saadaalin karin cawaaqibka uu reebi karo. Godobta uu galay Abdiwahaab Maxamed Yusuf ( Bujulaa ) ee waliba uu ku sii indhacad yahay waxaa uga qurux badnayd inuusan cidna wax u tarin!

Ficilka Abdiwahaab Maxamed Yusuf ( Bujulaa ) waxuu lamid yahay qisadii ahayd �Shinbiri maalin bay dab qaaday buulkeedina waa ku gubtay�. Dadkaada inaad kala qaybisaa waxaa dhaanta inaadan waligaa wax qaban!

Waxaanu cadaynaynaa in ummadda reer Ogadenya ay walaala yihiin in wax laysu taro iyo in wax lays dhaafsadana ay mahiim u tahay nolosha dadka gobolka dega oo dhan.

Waxaanu soo dhawaynaynaa wax allaale iyo waxii wax wada qabsi iyo taakulayn ah. Waxaan ugu baaqaynaa walaalaha kale ee daneeya wax u qabadka ummada reer Ogadenya in loo wada guntado siddii wax loo gaadhsiin lahaa tuula walba iyo degaan walba oo aan marnaba loo kala soocin nin jeclaysi iyo waxii keeni kara mugdi aan laga fiirsanin. Somalidu waxay tiraahdaa �Talo xumo reer waa dumisaa, balse reer ma dhisto�.

Waxaanu rajaynaynaa in khilaafka qadiyadan inuu halkaas ku dhamaado!

GodeyNews Staff

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com