GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
GODEY: Dhul-Beereed Dhan 1,000hecter oo laga diyariyay deegaanka Godey ee Ismaamulka Soomaalida

Mashruuca Horumarinta Waraabka Galbeedka Godey ayaa shaaca ka qaaday in uu dhamaystiray diyaarinta dhul beereed dhan 780 Hektar oo ku yaala aaga galbeedka Godey.

Sida uu ku waramay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Waraabka Galbeedka Godey, Mudane Axmed Mowsar Budul, wuxuu mashruucu wakhtiga xaadirka ah u qorshaysan inuu hirgaliyo diyaarinta dhul beereed dhan 1,000 Hektar oo dheeraad ah.

Dhinaca kale, waxaa Mashruuca barbar socda hawl gal ay fulinayaan Wasaarada Gaashaandhiga ee Qaranka taas oo diyaarinaysa dhul dhan 2,220 Hektar. Sida ay ku soo waramayaan Warar naga soo gaadhay Galbeedka Godey ayaa sheegaya in bilihii aan soo dhaafnay roobab baaxad leh oo da�ay ay khasaare u gaysteen hawlgalka mashruuca.

Roobabku waxay khasaare ba�an u gaysteen dhismayaasha kuwaas oo dumiyay dhismayaal sida bakhaaradii iyo guryihii shaqaalaha. Roobabkaasi waxay kaloo waxyeelo u gaysteen hanti kale sida kayd sibidh ah oo yaalay mashruuca. Dhinaca kale roobabkaasi waxay waxyeelo u gaysteen hawsha ciidamada qaranka ee diyaarinta dhul beereedka.

Maadaama uu mashruuca Horumarinta Galbeedka Godey uu yahay himilada dadaalka horumarka iyo gaadhista isku filnaansho xaga cuntada ayaa waxaa lagama maarmaan ah in fiiro gaar ah loo yeesho sidii looga midha dhalin lahaa mashruuca. Mudane Axmed Mowsar Budul wuxuu carabaabay in dhibaatada iyo caqabadaha la soo darsa ay badan yihiin. Mudane Mowsar wuxuu si gaar ah u tilmaamay in gaadiidku yahay dhibaatada ugu wayn ee haysata. In kastoon badnayn hadana gaadiidka waa kuwo shaqanayay mudo aad u fara badan isla markaana aan wax dayactir ah oo balaadhan lagu samayn.

Mudane Mowsar wuxuu sheegay jiritaanka dhibaatada gaadiidka, isaga oo intaas ku daray in shaqaalaha xirfada leh sida Engineerada IWM, ay ku yar yihiin goobtaas.



Waxaa Maqaalkan Qoray WARGAYSKA IFTIN ee ka soo baxa Deegaanka Soomaalida Cadadkii soo baxay Jimcihii 23/6/2024


Xigasho: Somalistate.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com