JigJiga: Maamulka fadhiidka ah ee Kililka Soomaalida oon waxba bulshada ugu filnayn, balse inta badan dhibaateeya.
Maamuladii kala gedisnaa ee soo maray Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa inta badan waxba u taagnayn, balse mararka qaar u muuqda mid loogu tala galay in lagu lugooyo laguna dhibateeyo shacabka ku hoos nool ee ay sheegtaan inay matalaan.
Sida in badan oo akhristiyaashanada ah la socdaan kulankii todabaadki hore u dhexeeyay masuliyinta ugu sareeya xisbiga maamula kililka Soomalida iyo Zenaawi ayaa sida lasheeyo lagu soo qaaday arimaha maamuleed ee kilika iyo waliba in masuliyiinta qaar ay soo jeediyeen in maamulka hadda jira meesha laga saaro oo la badallo, kuwa cusubna loo dhiibo.
Arinkaas iyo arimo kale ayay maalintii la yiri soo tashada oo soo gudbiya waxii rayigiina ah ayay xubnaha qaar usoo gudbiyeen Zenaawi, iyagoo u muuqday inay ahaayeen kuwo aad isu soo abaabulay. Hase yeeshee waxaa la sheegayaa in lagu yiri hadii aan maamulkan badallo iyo hadii kale oo mid cusub lasameeyo wax isbadal ah oo meeshaas laga filayo majiro sababtoo ah uma muqataan inaad u dhalateen wadanka aad leedihiin waan matalnaa waxaad diyaar u wada tihiin inaad boobtaan hantida iyo maalka, kadibna aad JigJiga iska fariistaan.
Intaas kadib waxay balan qadeen inay maamulka jira taageerayan oo ay isbedal degdeg ahna gudaha iyo deegaanada laga soo doorto ka keenayaan. Laakiin markay jigjiga kusoo noqdeen ayaa isla markiiba waxaa hadana dib u bilawday is qabqabsigii iyo shirarkii gooni-goonida ahaa ee lagu rabay inuusan waxba u dhaqaaqin maamulka Abdullaahi Lugbuur oo la rabo in afka dhulka loo geliyo.
Dhinaca kale m/weyne Lugbuur ayaan u muuqan mid taalabo adag ka qaadaya xubnahan ku hawlan fashilinta maamulkiisa. Balse waxaa lasugaya inuu kulan degdeg ah oo la tashi la yeesho odayaasha deegaanka Ismaamulka Soomalida Ethiopia.