GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
JigJiga:Warar Dheeraad ah oo ku saabsan khilaafka maamulka Kilalka iyo Mudane Xamow oo si adag u difaacay Lugbuur

Warar dheeraad ah oo aan ka helnay wariyaha Godeynews ee magalada JigJiga oo kusaabsan khilaafka iyo mugdiga soo kala dhex galay maamulka kililka ayaa waxaa malinba maalinta ka danbaysa warar is daba socda oo ay is dhafsadeen musuuliyinta ka qayb gelay shirkii ay kula kulmeen Zenaawi.

Markii dib laiskugu soo noqday maalintii labaad ayaa waxaa meesha isa soo hor fariistay sadexdi qolo ee meesha wada maamulanayay kuwaasoo kala ah ciidamada, wasaarada kililada iyo madaxda kililka soomaalida.

* Waxaa dacwadii kowaad soo jeediyay ciidamada oo sheegay inaysan iyagu waxba weydisanin maamulka balse ay iyagu yihiin kuwa markastaba isku daya inay nasoo dhex geliyan mamulkooda iyagoo ninba nin soo dacweynayo. Sidaas darteed anagu uma aragno in dadka deeganku haysto maamul wax tar ah ee dadka maamul cusub haloo sameeyo. Laakiin waxan balan qaadayna inaan gacanta kala baxayno hadda waxii ka danbeeya

* Dacwadi labaad wasaradda Kililada oo iyaduna dhinaceeda kasheegaty inaysan wax badan kala soconin kilka Soomalida, hadii ay katagi weydo waxaan kala xiriiri jirnay 3 xubin oo af axmaariga yaqaana kuwaasoo laga yaabo inay mararka qaar nasiin jireen warar been ah oo kusalaysan dana gaar ah.

* Dacwadii saddexaad waxaa hadalkii qaatay m/weynihii hore ee kililka mudane Cabdi Jibriil oo dacwo adag kusoo oogay m/weyne Lugbuur isagoo sheegay inuu ninkan dhunsaday lacago fara badan, isla markaasna yahay nin aad u jilicsan oo maamulkiisii iyo musuliyadiisii m/weynanimba uu gacanta ka bixiyay oo haba yaratee wax u meesha kuhayo aysan jirin, dawladana looga baahan yahay inay arintan gacanta lasoo gasho si maamul
cusub oo wax qabad ah loo sameeyo.

Waxaa si adag hadalkas uga hor yimid mudane Xamow oo weerar adag ku qaday c/jibriil isaga oo sheegay inuu ninkan yahay nin daciif ah oo wali ka samri la kursigii m/weynanimada ee doorashadii hore laga qaaday, waana ninka sunta la dhex wareegaya kilika soomalida ee shaqadu kasocon ladahay. Hadalkaas markay Xamow iyo C/jibriil ay si kulul isu dhaafsadeen ayaa intii kale dhulka wada firiyeen oo qof qofka kale fiiriya ayaa la waayay;

Waxaa la sheegayaa in ninka dhulka xukuma kuyiri maxaad intiina kale u aamusteen oo aad dhulka u wada fiirinaysan, muddo labo daqiiqo ah kadib ayaa waxaa hadlay mudane Gurey Fidaar oo sheegay in sababta loo aamusay ay tahay cabsi darteed ama(Kalsooni darro) maadama aan hadda kahor loo baranin in si xor ah sidan oo kale loogu wada doodi karo.

Intaas kadib ayaa si miisaan la,aan ah ay xubnihii kale u bilaabeen in ninba ninka kale wax kasheego.

Isku soo ururiyoo waxii meesha kadhacay waxuu sii muujinaya oo kaliya awood la,aanta maamuleed ee Kilika iyo waliba kalsooni la,aanta haysata masuuliyiin kusheega hogaminaya Imaamulka Soomalida Ethiopia.

Cumar Yare,
Godeynews.com
JigJiga.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com