GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Jubbada Hoose: Suldankii beesha maqaabul oo la dilay


Suldankii beesha maqaabul Suldan moahmed Osman Nageeye oo qiyaastii ahaa 50 jir ayaa waxaa dilay wiil ay ilma adeer yihiin oo ay in mudo ah ka dhexaysay muran kusabsan saldanada beesha Maqaabul.

Warkan oo ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan beesha Maqaabul ayaa sheegaya in falkan uu gaystay gacan ku dhiigle in mudo ah ku doodayay inuu yahay Suldanka xaqa ah ee Beesha Maqaabul, hasayeeshee waxgaradka Beesha Maqaabul ay diideen in sida uu rabo loo yeelo.

Gacan ku dhiiglihii waxaa la sheegay inuu u baxsaday dhinaca dalka Kenya, oo aan wali gacan lagu haynin, balse dabagal balaadhan lagu hayo, si cadaalada loo horkeeno.

Suldaan Nageeye ayaa Suldaanimada loo caleema saaray badhtamihii sanadkii 80tamaadkii. Kadib markii uu geeriyooday walaalkiis oo markaas Suldan ahaa, sidaasna uu ku dhexlay suldaanimada. Suldan Nageeye ayaa ahaa nin oday ah oo caan ku ah nabada, wanaaga iyo xasiloonida degaanka Absamaha ee Jubooyinka oo dhan.

Waxaan shaki ku jirin in latabi doono kaalintii odaytinimo iyo middii Suldaanimo ee uu Suldaanku kaga jiray beesha Absame.

Waa Suldankii 2aad ee Beesha Maqaabul laga dilo mudo 7 bari gudahood ah. GodeyNews waxay tacsi u diraysaa Beesha Maqaabul iyo tan Absame geeridan naxdinta leh ee sida isdaba jooga ah ugu timid walaalaheena. Bogga GodeyNews waxuu garabtaagan yahay isla markaasna murugada laqaybsanayaa eheladii Salaadiinta la laayay iyo Beesha ay ka baxeen iyo dhamaan beelwaynta Absame oo ku jirta xilli aad u adag.

Dhamaan Odayaasha degaanka Jorre waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo dhamaanba beesha Absame ee Jubooyinka dilka aan caadiga ahayn ee Suldan Nageeye.

Waxaan Alle uga baryaynaa marxuum Nageeye janadii Fardowsa. Ammiin.

GodeyNews Staff

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com