Shirweyne ay isugu Imaanayaan Aqoonyhamiinta, Siyaasiyiinta, Ugaasyada iyo Waxgaraka Somalida Ogadenya oo Lagu Qaban Doono Godey
Jigjigo, 7/4/2025 - Shirweyne looga arinsado mustaqbalka gobolka Somalida Ogadenya oo ay ka soo qeybgalaan aqoonyahaminta, siyaasiyiinta, ugaasyada iyo Waxgaraka Somalida Ogadenya oo lagu qaban doono magaalda Godey ee deegaanka Somalida Ogadenya.
Shirkan oo la doonayo Beesha Ogadeen ee jid iyo jaho lagaran la'yahay meel ay u socoto inay ooga arinsadaan dantooda uguna dhawaaqaan dhinici loo raaci lahaa.
Warka shirkan oon ka helnay ilo ku dhow dhow madaxweynaha deeganka mudane Cabdullahi Xasan Lugbuur, ayaanan la shaacin xiliga uu dhici doono, balse la sheegay in dal iyo dibadba la isaga iman doono.
Shacabka kale ee Somaliyeed ee wax ka dago deegaankan ayaanan u sii dulqaadan doonin beesha Ogadeen iyo wareerkeeda, ayadoo meel loogu soo hagaago eeyan laheyn.