Dhooblay: Magaalada Dhooblay oo labo qof lagu dilay
Magaalada Dhooblay ee kutaalla xuduudka u dhexeeya Kenya- Somaaliya ayaa waxaa maanta laga soo sheegayaa in labo qof lagu dilay, kadib markii uu iska hor imaad soo kala dhex-galay qolyo maleeshiiyo deegaan ah oo isku khilaafay arimo la xiriira shaqo qoris iyo qaabkii loo maamuli lahaa kalmooyin cawimaadeed oo ay hayado kamid ah UNta ay soo gaarsiiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Dhooblay.
Hase yeeshee waxaan illaa iyo hadda si fiican u cadeyn dadka meesha ku dhintay inay ka tirsanayeen isla maleeshiyada iyo inay ahayn dadka shicibka ah ee magaalada kunool.
Dilalkan noocan oo kale ah oo ay maleeshiyaadku gaystaan ayaa ah mid maalinba maalinka ka danbaysa kusii badanaya deegamada hoos yimaada gobalka Jubada Hoose, maadaama xaruntii gobalka ee Kismayo ay gacanta kuhayaan dagaal oogayaal aan udhalanin deegaanka oo isku kaashaan buraysatay burburinta, boobka hantida deegaanka iyo xaalufinta khayraadka dabiiciga ah ee dhulka ayaa in badan oo deeganka ah waxay dhibaatadan u tiiriyaan inay iyagu u sabab yihiin, isla markaasna ay adag tahay in xal nabadeed laga gaaro gobalka Jubada Hoose inta ay dagaal oogayaashan kasoo duulay Mudug/Galgauduud ay gacanta ugu jirto magaalada Kismaayo.