Bangiga Aduunka ayaa waxuu dawladda Ethiopia kacafiyay aduun dhan 3.6 billion doolar oo ka bilaabanaysa 1st July 2006 taasoo kamid ah lacago fara badan oo horay loogu lahaa.
Arinkan daynta lagu cafinayo ayaa waxay ku qornayd qoraal uu Bangiga aduunku sii dayay kaasoo kusheegayo in wadama fara badan oo fakhri ah gebi ahaanba 100% laga cafiyay waxii dayn ah ay qabeen, meesha kuwa kelana laga cafiyay qayb kamid ah lacagihii lagu lahaa.
Dhinaca kale bankiga aduunka ayaa waxuu isla qoraalkaas kusheegay in 2 sano ee ugu danbaysay dhaqaalaha Ethiopia u koror sameenayo aan sidaas u badnayn.
Sida lagu sheegayo isla qoraalkas ayaa waxuu madaxa bankigu aduunku sheegayaa in lacagaha loo cafinayo sidii wadamadan ay uga faa'ideyn lahaayeen dadkoodu ka dhibataysan dhinaca caafimaadka, waxbarashada, iyo waliba helitaan biyo nadiif ah oo shacabka wada gaara.