JigJiga: Kulan degdeg ah oo ay Magaalada JigJiga iskugu yimaadeen Guurtada Ismaamulka Soomaalida Ogadeeniya iyagoo qorsheenaya inay jawaab ka bixiyaan weerarkii lagu qaaday shacabka Cawl-ku-dhal
Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay Godeynews u sheegeen in magaalada JigJiga uu kasocda dhaqdhaqaaq ay wadaan guurtada ismamulka Soomaalida Ogaadeeniya oo ay kurabaan in lagu xaliyo dagaalka soo noqnoqonaya ee kajira deeganka Cawl-ku-dhal oo katirsan gobalka Dhagaxbuur ee ismaamulka soomalida ogadeeniya.
Dhinaca kale waxay guurtadu ku hawlan yihiin sida ugu wanaagsan ee loogu jawaabi lahaa nimankii suldaamada sheeganayay ee iyagoo jooga gobalada waqooyi galbeed soomaliya laga wareysanayay BBCda afsoomaliga oo si cad u bunbuuninaysa wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay nimankas kusheegayeen inay la dagalamayan jabhada ONLFta.
Waxaa guurtada aad uga caraysiiyay hadaladii kasoo yeerayay kuwa sheeganayay inay yihiin suldaano deegaan iwm, kuwaasoo hadana ka hadlayey meelo kabaxsan wadanka Ethiopia, isla markaasna qiranayay qaabka ay dagaalkas uga qayb qaateen.
Sida laga warhayo dagaalkan waxuu kadhex dhacay labo qoys oo deris ah oo kunool xadudka labadiisa dhinac, laakiin meesha dagalku kadhacay waa gudaha ismamulka soomalida Ogadeeniya oo ay maleeshiyadan kasoo duushay Gobalada Waqooyi sharci darro ugu soo gudubtay. Isla maleeshiyadan iyo kuwa magaca Suldamada wata ayaa dhibatadan u sabab ah oo ay ka degi ladahay iyagoo dabada kawada dad shicib ah oo ay isku hayb yihiin, isla markaasna ku gabanaya magaca qabiilka ay wada yihiin.
Waxay kaloo rabaan in dadkooda ay kadhadhacsiiyaan inay la dagaalamayaan ONLF oo siday sheeganayaan colaad ka dhexeeyasay, lakiin sida muuqata way fashilan yihiin oo waxba waa usocon layahay, dadkuna inta badan way wada ogyihiin ujeedadooda rasmiga ah ay hadaladan ka leeyihiin.
Sida wararka an ku hayno waxaa deegaanka Caw-ku-dhal kusugan ciidamada milatariga dawladda dhexe oo ay rabaan inay calool jileec kaga helaan " Waxan la dagaalamaynaa ONLF" ayaa hadda kusugan deegaanka dagalku kadhacay taasooy kawar hayan cidda isku dishay meesha inay yihiin dad shicib ah oo kusugan dhulkoodii iyo maleeshiyooyin kale oo kasoo duulay xaduudka Soomaaliya dhankiisa kale.
Ururka ONLF ayaa waxu noqday magac ay qabiilooyinka kale soomaalidu ku qaraacaan markay is hayaan qabiilka Ogaadeenka ah, iyagoo inta badan ciidamada milatariga ee dawladda dhexe kaga hela kaalmo iyo kalsooni kolba kii ay raadinayaan. Laakiin isla ururkaas sheeganaya inuu danta dadka u taagan yahay ayaan isugu meelna shicibka ugu qeybin oo inta badan magac u yaal ah, shicibkana usoo kordhiya hagar damooyin wejiyo badan leh.