Hogaankii umadda Chechen (Shamil Basayev) oo la dilay
Ciidamada Amaanka ee Russianka ayaa waxay sheegayan inay dileen hogaamiyihii jabhadda Checheniya Shamil Basayev oo xili habeenimo ah lagu wareeray meel u dhow xaduudka Ingushetia iyo Checheniya.
Waxaa sidoo kale dilkan Shamil Basayev xaqiijiyay dad kuhadlay magaca jabhada gooni isutaaga umadda Checheniya, balse waxay sheegeen inuu kudhintay qarax kadhashay qalab qarxa oo baabuur lagu rarayay. TViga Russianka ayaa waxuu sii daayay warar sheegaya in qaraxa uu kudhintay Shamil Basayev ay maqleen dad daawanayay ciyaartii finaalka ee habeenkii isniinta socotay, kaasoo laga maqlayey meelo badan oo kuhareereysan xauduudka Ingushetia's iyo Checheniya.
Basayev ayaa waxaa lagu eedeeyaa inuu ka danbeeyay dadkii 2004 lagu afduubay ischoolkii oo ay kudhinteen 331 oo in badan oo kamid ahaayeen caruur. Madaxweynaha Russia ayaa waxuu telefiishinka ka amaanay dadkii ka danbeeyay dilkii Basayev, kaasoo uu kusheegay "inuu dib u helay waxuu horey u geystay"
Hadda kahor Shamil Basayev maruu wareysi siiyay Britain's Channel 4 oo uu kahadlayay dadkii ay ku afduubeen ischoolkii ayuu waxuu kusheegay erayadan " Waxaan kula jirnaa dagaal (Russians) kuwa bixinaya canshuuraha, kuwa soo diraya askarta iyo culumuda kaniisadaha ee usoo duceenaya askartaas dhamaantood waan la dagaalamaynaa dilkoodu waa noo banaan yahay."