Dhinaca kale waxay maxaakiimtu iska difaacayaan oo ay dhibaato kaga furan tahay warbaahinta aduunka iyo DFKS oo ku tilmaanta inay maxaakiimtu yihiin kuwo xiriir laleh ururada argagaxisada ee aduunka lagala dagaalamayo.
Inkastoo maxakiimtu hadaladaas in badan beeneeyeen hadana qofkii ugu danbeeyay waxuu ahaa PM Geedi oo shalay wareysi uu siiyay BBCda qaybta af ingiriisiga kusheegay inay maxakiimtu yihiin argagaxiso, isla markasna DFKS wada hadal ay lagasho Sheekh Xasan Daahir Aweysna ay lamid tahay qof wada xaajood lagalay Usama Bin Laden.
Arinta soomaaliya ayaa muddo dheer kujirtay jahwareer siyaasadeed oo wajiyo badan leh, kan maxakiimtuna waxuu qeyb kanoqonayaa ama sii kordhinayaa jahwareer hor leh iyo waliba dagaal laga yaabo inuu marka uugu danbeeya dhexmaro tageerayaasha Xasan Daahir Aweys iyo M/weyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed meeshaasna ay kuburburto dawladii tabarta darnayd ee 2 sano kahor lagu soo dhoodhoobay Nairobi- Kenya.