Saddex shirkadood oo kamid ah todabadii iskugu soo hartay soo saarista shidaalka Jeexdin iyo Hilala oo codsiyo cusub soo gudbiyay
7dii company ee hadda kahor iskugu soo hartay inay soo saaraan shidaalka (Ogaden Basin) ee Jeexdin iyo Hilala ayaa 3 kamid ah iskugu soo hareen iyagoo dib codsiyo ugusoo gudbiyey wasaaradda macdanta iyo Tamarta ee dawladda Ethiopia.
Bishii March ay tagtay ayay hayd markii ay dawladu furtay inay shirkaduhu usoo tartamaan soo saaridda shidaalka Ogaden Basin, taasoo 19 company ay codsiyo usoo gudbiyeen Wasaradda Macdanta iyo Tamarta oo iayadan soo kala xulatay kana soo reebtay 7 company oo kamid yihiin 3 company.
Dawladda ayaa waxay shirkadahan u qabatay 10 June inay codsiyadooda kusoo gudbiyaan, balse way kusoo gudbin waayeen oo waxaa looga dhagay hadana 10 July, taasooy 3 shirkadood oo kaliya kusoo gudbiyaan xiligii loogu tala galay waxayna kala yihiin; Petronas oo Malaysian ah, Gail India Litd iyo Dinder of Sudan. Shirkadahan sadexda ah ee tartanka wada galay ayaa waxaa lagala soo bixi doonaa 1 shirkad oo kaliya taasoo la filayo in lagu soo gaba-gabeeyo muddo aan ka badnayn 1 bil.
Jeexdin iyo Hilala ayaa ku yaalla dhulka soomaalida Ogadeeniya, isla markaasna waxay kuwada yaalaan dhul aan kala fogayn Hilala waxay jeexdin u jirtaa 75km. Gaaska dabiiciga ah ee kujira labadan meelood ayaa lagu qiyaasay 118 billion cubic meters oo u kala qaybsama 10 ceel oo Jeexdin ka qodan oo 8 kamid ah laga shaqeysiin karo iyo 4 ceel oo Hilala ah.
Baaritaanadii lagu sameeyay ceelashadan ayaa waxay kusheegeen inay shidaalkani ceelashani u kalo baxo noocyada kala ah; LPG, benzene, diesel, iyo midka diyaaradaha.