GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Wareysi: M/weynaha Kililka Soomalida Mudane Cabdullaahi Xasan oo Godeynews siiyay waraysi meelo badan taabanaya ee hoos kasii akhriso!!

Maamulka hadda kajira deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee uu madaxda ka yahay Mudane Abdulaahi Xasan ayaan wali dhamaysanin sanadkii kowaad oo ay wali u harsan tahay 3 bilood, balse maxaa u qabsoomay intuu jiray maamulkan? Maxayse kutala jiraan inay qabtaan 5 sano ee soosocota? Maxuu kaloo ka yiri arimaha nabad galyada, waxbarashada, isgaarsiinta, shirweynaha nabadda, jaaliyadaha kudhaqan dibadda iyo waliba degmo noqoshada Boodhcano?

GN. Mudane M/weyne kusoo dhawoow websiteka Godeynews.com

M/weyne: Godeynews idinkaa mudan, waana idinku mahad celinayaa wakhtigaad isiiseen.

GN: Sidaan lasocono hadda waxaa soo dhow sanad guuradii kowaad ee aad Ismaamulka Soomaalida madaxda kanoqotay maxaad dhihi kartaa wuu inii qabsoomay intii aad maamulka kililka gacanta kuhaysay?

M/weyne: Sida ad sheegtayba maamulka aan madaxda ka ahay wali sanad buuxa ma dhamaysanin, balse waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay 9 bilood. Marka hore waxuu maamulkaygu xoogga saaray 2 qodob oo muhiim ah;

*Dib u dhiskii xisbiga talada haya oo markii hore habacsanaan badan kujirtay balse aan dib udhiskiisii ku guulaysanay oo hadda aan gaarsiinay illaa iyo heer tuulo. Iyadoo dadka hogaaminaya Cabinet dawlada ay wada yihiin dad uga yaraan heer jamaacadeed ah oo aqoontoodu dhisan tahay

* Waxan daadajinay miisaaniyadii degmooyinka oo hadda si toos ah u gaarta mamulada degmooyinka, taasoo hadda kahor aan dhaafi jirin JigJiga

Sida laga warhayo maamuladii iga horeeyay waxaa inta badan kadhici jiray is jiidasho xaga awood ah oo inta badan hor istaagi jirtay socodsiinta hawlaha maamulka. Marka si aan taas uga gudubno ayaan waxuu maamulkaygu dejinay qaab cusub oo lagu magacaabo (Stretigic Planning Management �SPM�) ahna qaabka lagu shaqeyn doono 5 sano oo soo socota oo sanad-sanad u qorshaysan. Bishii tagtay ee June Seminar ay kililadu kuyeesheen magaalada Addisababa oo lagaga hadlayay maamul wanaag iyo kor u qaadidada wax qabadka arimaha bulshada uu kasoo qayb galay Raisul wasaare ku xigeenka ayaan arintan SPM qaab u socodkeeda ku sharaxnay si fiicana waa naloola qaatay. Waxaan kutala jirnaa in waxbarashada deegaanka 5 sano ee soo socota kor u qaadno 70%, Biyahana sidoo kale waxaan hadda ogolaanay in 150 ceel oo hor leh in deegaamo kala gedisan laga qodo.

GN: Madaama uu dhulka ka liito dhinaca isgaarsiinta, maxaad is leedihiin waad ka qabateen? Amase qorshaha SPM idinku jira?


M/weyne: Dhinaca isgaarsiinta hadii ay noqoto xiriirka telefoonada iyo hadii ay noqoto midda jidadka waxaa jira qorshe ballaaran oo heer federal iyo heer kilil ahba oo laguna dhex jiro dhisid 11 jid oo waaweyn oo tagi doono inta badan Gobalada Kiliku kakooban yahay hawshoodiina ay hadda bilaabatay. Dhinaca telefoonada hadii aan waxyar kaaga taabto, waxaa qorshe noo ah inaan si dhamaystiro telefoon gelinta hadda kasocota meelo fara badan oo kamid ah degmooyinka Kililka. Meelihii hadda ugu danbeeyay ee laga hirgelayay waxaa kamid ahaa Zone Godey-Qoraxey iyo Shiniile, waxaana isla saddexdan Zone laga taagay anteenooyinkii telefoonada Mobilka iyo Internetka soo jiidi lahaa.

Sidoo kale electricy waxaan rabnaa inaan xilli dhow wada gaarsiino 52 degmo ee deeganku kakooban yahay iyadoo aan xili dhaw magaallo kastaba gaarsiin doono motooro korontada dhaliya.


GN: Maxaa kajira in la casriyeeynayo oo qayb terminal ah lagu darayo Airporka Godey?



M/weyne: Haa arintaas way jirtaa waxayna kamid tahay qorshe ballaaran oo dawladda dhexe kor ugu qaadayso tayada Airportyada JigJiga, Shilaabo iyo Godey. Markii arintan lafulayo isla qorshaanaga SPM waxaa kujira in xoolaha nool aan dib loogu qaadin wadamada deriska ah oo aan anagoo guryahaanigii joogno aan meel kastaba gaarsiino, anagoo isticmaali doono Airportyadaan.


GN: Dhulka waxaa mara webiyo waaweyn hase yeeshee dadka kudhaqan deegaanka kama faa!idaystaan maba kama faaideysan karaan awood darro dhaqallo awgeed. Majiraa wax qorshe ah oo arintaas ka leedihiin?



M/weyne: Wa sax arintaas waa sida aad usheegtay oo sidii la rabay loogama faaidaysato webiyada dhulka dhexmara. Laakiin hadda waan usoo jeedsanay oo waxan diyaarinay in kabadan 400 matoor oo loogu tala galay in loo qaybiyo dadka kukala dhaqan Zonanka oo webiyadu maraan sida Godey, Afdheer iyo Liibaan .

Sidaad lasocotaan mashruuca galbeedka Godey ayaa hadda xowli kusocda dhaqallo fara badan dawladu kubixisaa, iyadoo hadda la beerto 780 hectar ayaa haddana la diyariyay dhul cusub oo gaaraya 4000 hecter oo kala badh la qaybiyay qaybta kalena xilli dhaw la rabo in dadweyanaha deeganka loo qaybiyo. Qorshuhuna waxaa weeye inay dadku beertaan dalagyo kala gedisan si ay beeralaydu suuq fiican ugu helaan dalagooda.


GN: Maxaa kajira in Xafiiskii waraabka ee Kilika lakala qaybinayo, oo wasaarado kale lagu kala darayo?



M/weyne: Illaa iyo hadda wax la qaybiyay sharciyan majiro oo baarlamankiiba ma ansixinin balse waxaa jira qorshe wali bilow ah oo lagu rabo in lagu kala qaybiyo xafiiska waraabka qaybtiisa biyaha iyo interpriceka. Mideeda kale mashruuca biyo xireenka galbeedka Godey isagu sidiisa ayuu u wada soconayaa oo lama kala qaybinayo.




GN: Waxaa jira qorshe ay wadaan dadka deeganka iyo siyaasiyiintooda oo lagu doonayo in deegaanka Miraa Godey (Boodhcaano) loo aqoonsado degmo buuxda. Sideed u aragtaa?



M/weyne: Horta wakhtiyadii hore degmooyinka waa la iska sameyn jiray oo inta badan shuruudo majirin. Balse maanta deegaankii raba in meel degmo noqoto waxaa la fiirinyaa arimo fara badan oo ay kamid yihiin Awooda dhaqaalaha, waxsoosaarka, tirada IWM marka sida aan ogahay intuba wey leedahay Miraa Godey oo hadda waa meelaha ugu wax soosaarka badan Ismamulka Soomaalida Ethiopia, dawladuna waxaa qorshe u ah inay dad badan oo reer guraaga deegaanka ah dib udejin loogu sameeyo deegaanka Miraa Godey .Laakiin degmo noqoshadeedu waxay ku xiran tahay barlamaanka deegaanka oo ansixiya walina lama horkeenin.







GN: Dhinaca nabad galya xumida kajirta deeganka maxaad isleedihiin waad kaqabateen? Amase aad kaqaban kartaan?



M/weyne: Ururada nabad diidka oo dhulka baadiyiha ah dadka dariiqyada u istaaga inta badan wadamada dibadda ka had-hadla ayaa waxay ku andacoon jireen dawladda Ethiopia wada hadal iyo nabad galyo toona ma ogola, balse arintaas waxaa beenowday oo salkeeda soo tabtay guurtadii dhaqanka ee kal hore dibadda ugu tagtay inay bal soo wareystaan waxa kamaqan ee dadka shicibka ah dariiqyada ugu leenayaan.

Dhinaca kale waxan anaga iyo dawladda dhexe isla ogolaanay inaan cafis guud siino wiilashanada halaabay ee markii hore kulug lahaa ururada nabad-diidka haddana dib uga soo noqday khaladkoodii iyagoo raba inay ka fii!daystaan cafiskaas si ay bulshadooda dhinac uga raacaan. Waxaa kaloon JigJiga iyo safaaradaha dibaddaba samaynay xafiiska jaaliyadaha dibadda si loo caawiyo xaqooda loogu sheego dadka wadanka dib ugu soo noqday ee raba inay maal gashadaan dhulkooda.


GN. Sideed u aragtaa magacan cusub ee ONLF iyo qolyaha kale 5 ah ku midoobeen?



M/weyne: Marka hore waxba kama jiro magacyadan cusub ee sheegaya inay midoobeen oo waa hadal dad qurbaha kunool iskugu sheekaynayaan oo iska maaweelo ah. Midda xigta kuwa sheegaynaya inay qowmiyadda soomaalidda xaquuq kamaqan tahay oo inta badan burburkooda kudadaali jiray ayaa hadana si fiican midibkooda dhabta aha bananka u keenay oo yiri waxaan ogolnahay inay 15 sano dib ugu noqono gumaysigii Axmaarada oo aan nolol iyo jiritan toono u ogalayn dadka soomalida Ethiopia. Marka maalinba maalinta ka danbaysa waxaa shicibka usoo baxaya beentooda iyo danahooda khaaska ah ee ay meelaha la war-wareegayaan.


GN: Maxaa kajira in shirweyne nabadeed gudaha wadanka lagu qabanayo?



M/weyne: Sidaad lasocota guurtadii dhaqanka ee kal hore dibadda tagtay waxay kusoo gulaysteen kalsoonidii jaaliyadaha kudhaqan dibaddaha oo inta badan warar beenabuur ah ay qolyahan u gudbin jireen, laakiin hadda runtii ogaaday oo raba inay dhulkooda wax ka qabsadaan qeybna ka qaataan arimaha horumarinta deegaanka. Marka anagoo taas iyo arimo kaleba kaduulayna waxaan kudhex jirnaa sidii aan u qaban qaabin lahayn shirweyne balaaran oo dibad iyo gudaba laga soo qeyb galo oo ay iskugu yimaadaan waxgaradka iyo dadka waxqabadka ah ee u dhashay deegaanka meel kastaba ha joogaane.


GN: Goormaa la qaban doonaa shirkan?



M/weyne: Waxaa shirkan lagu qabanayaa ugu badnaan 2 bilood gudahood balse wali maanan isla go,aaminin xiliga uu dhacayo!! Sidii shirarkii hore oo kale waxuu shirku ka dhici donaa magaalada Godey.



GN: Su,aasha ugu danbeeysa m/weyne dagaalada u dhexeeya qabaailada soomalida ah ee deegaanka ayaa meelaha qaar soo noqnoqda oo inta badan iinan xal muqda ka garin siday arintaas ku dhacday?



M/weyne: Arintas kuguma raacsini sidaad hadalka u dhigtay, sababtoo ah isku dhacyadii dagaal qabiileedka ugu weynaa waxu ahaa kii IMAY-GALBEED kaasoo mamuladii iga horeeyay waxba aysan ka qabanin. Laakiin hadda waxaan dejinay qorshe ah in horta marka hore xabad danbe aysan isku ridin dadka meesha wada degan oo nabad galyadii lasoo celiyo ,marka xiga inaan radino xal waaro oo dadkaas walaaleeya taasoon hadda aan kudhex jirno sidii aan usoo gudbin lahayn.


GN: Mudane M/weyne aad ayaan kugu mahad naqaynaa wakhtiga aad nasiisay




M/weyne: Idinkaa mudan bahda Godeynews.com




Godeynews Staff
[email protected]

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com