Sheikh Muqtar Robow oo ah ku xigeenka guud ee ciidamada maxakiimta ee hadda soo galay magaalada Buurxakaba ayaa waxuu warbaahinta usheegay inaysan dagaal u iman, balse waa sidu hadalka u dhigaya " Waxaan u nimid inaan qaabilno askar 150 ah oo kasoo goostay ciidamada dawlada ee Baydhabo" kadibna waxaan dib ugu noqonaynaa xarumahaanigii hore. laakiin wax na hor taagan, isla markaana naga celin karo inaan Baydhabo iyo magaalooyinka kelaba tagno majiro.
Dhinaca kale Raisul wasaaraha Soomaaliya Prof Geedi oo maanta warbaahinta lahadlayay ayaa maxakiimta ku edeedayay inay dagaal hor leh umadda soomaliyeed u horseedayan, iyagoo maanta Buurxakabol kusoo weeraray in ka badan 30 gawaarida dagaalka ah oo sida ciidamo fara badan.
Waxaan aduunka ugu baaqaynaa inay garab istagan dawladda soomaliya oo ay soo weerarayaan dad kujira argagaxisada caalimiga ah oo kusugan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dawlada Ethiopia oo lasheegayo inay ciidamo gaaraya 2000-300 ay kujiran gudaha soomaliya ayaa iyadana xageeda sheegtay inay ciidamadeedu difaaci doonan dawladda Soomaaliya hadii ay ciidamada maxaakiimtu Baydhabo soo weeraraan.