Baydhaba oo saaka ku waabariisatay inay hoostimaado xukuumada Itoobiya!
Ciidanka Qalabka Sida ee Itoobiya oo Saldhig-dagaal ka furtay Baydhaba saaka July 20, 2006.
Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan gawaadhida gaashaaman ayaa soo gaadhay Baydhaba xalay galinkii danbe, sida uu xaqiijiyay wariyaha BBC�da Yusuf Hassan Mursal.
Kadib soo galitaanka ciidanka Itoobiya ee Baydhaba ayaa waxaa soo if baxaya kala qaybsanaan wayn oo ka dhex aloosantay dawlada KMG iyo xubnaha Baarlamaanka oo uu hogaamonayo Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo cadeeyay inaysan joogaynin meel ay Itoobiya xukunto.
Xubnaha Baarlamaanka ee gadoodsan iyo waliba qaarkamid ah wasiirada dawlada ayaa u arka in gabi ahaanba laqabsaday dawladdii iyo Baarlamaankii Somalia ee fadhigiisu ahaa Baydhabo.
Waxaa jira waxyaabo cadaynaya in xubnaha Baarlamaanka ee kusugan Baydhabo bilaabeen inay isaga baxaan magaalada Baydhaba. Taasoo keentay in C/llaahi Yuusuf si degdeg ah ugu laabto Baydhaba.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamo iyo saraakiil sar-sare ay ka baxsanayaan Baydhabo, una baxsanayaan dhinaca Xamar iyo Maxaakiimta, iyadoo la xaqiijiyay in 150 askari oo ka tirsanaan jirey dowladda KMG ah ay shalay ka baxsadeen dowladda KMG ah oo ay ku biireen ciidamada Maxkamadaha Islaamiga.
Dhinaca kale Shiikh Shariif Axmed oo ka mid ah madaxda Maxaakiinta Islaamiga ayaa beeneeyey in Maxkamaduhu ay Baydhaba weerar ku yihiin. Shariifku waxa uu yiri, ma jirto sabab Maxkamaduhu ay ku weeraraan Baydhaba.
Dowladda Itoobiya oo taageerta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa marar badan ku cel-celisey iney xoog ku soo dhex-gali doonto haddii Maxkamadaha Islaamku weeraraan Baydhaba.
Sikastaba ha ahaatee, haddii ay dhacdo in dagaal qarxo Itoobiyaanku waxay diyaar layihiin inay isticmaalaan awood kasta oo ay ciidamada Itoobiya leeyihiin oo ay ku jirto dhinaca awooda cirka. Balse Maxaakiimta ayaad moodaa inaysan habayaraatee wax baqdin ah kaqabin inay fooda isdaraan Itoobiya.
Dhinaca kale waxaa taagan Ereateria iyo Jabuuti oo iyaguna taageera Maxaakiimta, balse aan la�ogayn waxa ay yeeli doonan haddii arintu faraha kabaxdo.
Dawlada Maraykanka ayaa iyaduna uga digtay Maxaakiimta inay weeraraan Baydhaba, lamana oga jawaabta Maraykanku waxa ay noqondoonto haddii dagaalku bilowdo.
Su�aasha taagan ayaa waxay tahay � ma� dan iyo maslaxad Somaliyeed bay wadamada shisheeyuhu dagaalka Somalia u soo galeen mise arintu waa �Aabe arintu Orgiga kawayn�.
Isku soo wada duuboo arinta Somaliya ayaa waxay soo garguurataba waxay soo gaadhay heer caalami oo ay quwada shisheeye ku hardamaan. Waxaanu sugnaa waa cida reerka u soo hadha?
Waxaase shacbiga Somaaliyeed Alle kabaryayaa in �Roone uu reerka usoo hadho!�
Fadlan waxii arinta Baydhaba ka soo kordha kala soco GodeyNews.com.