Bahda Mashruuca Horumarinta Waxbarashadda Magaaladda Qabridahare waxay halkan tacsi uga gudbineyaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Alla ha u naxariistee Axmed-sareec Ugaas Maxamed Duulane oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 21kii Luuliyo tuugo ku dileen gurigiisa hortiisa, oo ku yaal magaaladda Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika.
Axmed-sareec Ugaas Maxamed Duulane wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada hormuudka u ah mashruucan ee Konfurta Afrika.
Mar labaad Bahda Mashruuca ee Horusocod waxay qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii Illaahay uga baryeyaan inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Marxuumkaan waxaan Eebbe-weyne uga baryeynaa inuu u naxariisto, Jannadii Fardowsana ka waraabiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin.
Bahda Horusocod ee Mashruuca Horumarinta Waxbarashadda Magaaladda Qabridahare!!!!