GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Maamulka ugu sareeya Ururka EPRDF oo lasheegay inay si adag ugu kala qaybsan yihiin taageeradda milatari ee loo fidinayo dawladda soomaliya

Madaxda ugu sareeysa xisbiga EPRDF iyo midda Dawladda Ethiopia ayaa fagaarayaasha kasheegtay inay tageero millatari oo buuxda siin doonaan dawladda Soomaaliya hadii ay isku dhacaan ciidamada maxaakimta islaamiga Soomaliya oo hadda gacanta kuhaya caasimadda soomaaliya.

Hase yeeshee warar kale oo sir ah oo laga soo xigtay wargaysaka (The Indian Ocean Newsletter) ayaa waxay sheegayan in xisbiga EPRDF isaga laftiigiisu arinkaas tageerada milatari ah uu kukala qaybsan yahay oo khilaaf xun soo kala dhex-galay.

PM Zenawi iyo Simon Bereket ayaa iyagu aaminsan in xoog ciidan loo isticmaalo maxaakiimta islaamiga, isla markaasna si fiican loo taageero dawlada soomaaliya ee fadhigeedu yahay Baydhabo. Laakiin waxaa arinkas kasoo horjeeda wasiirka arimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo rag kale oo xisbiga taladiisa wax kahaya, kuwaasoo aaminsan inaan lagu degdegin ayna muhiim tahay in arintan loo galo si miisaaman oo taxadar badan leh.

Dhinaca kale taliyaasha ciidamada ayaa iyaguna sidaas oo kale isku khilaafsan tusaalle ahaan Generalka ciidamada qalabka sida ugu sareeya general Samora Yunis iyo kuwa kale oo raisul wasaaraha isku hayb yihiin ayaa tageersan rayiga ah in xoog iyo cudud milatari loo isticmaalo khatartan cusub ee maxakiimta islaamiga Soomaliya, si ficana loo taageero DFK soomaaliya. Halka ay jiran Generaalo kale oo diidan (Strong Intervention) kuwaasoo badankoodu kasoo jeeda qowmiyadaha Oromiya iyo Amhara. Iyagoo intaas kudaray "waxaa ka faaideysan kara Eriteriya oo soo hubayn doonta ururada mucaaradka ku ah Ethiopia ee OLF iyo ONLF iyo kuwa maxaakiimta islaamigaba."

Waxaa kale oo warka jaraidku sheegay in dawladda Eriteriya ay todabadyadii tagay ay soo hubaysay dad tageersan ururka ONLF iyadoo soo marisay wadanka Jabuuti kadibna soo galay gudaha gobalka Ogaden, waxayna dadkan aaminsan yihiin in guulaysiga maxaakimtu ay ku gulaysteen gacan kuhaynta magaalada Muqdisho ay soo dedejin karto gooni isutaagooda. Wararku waxay intaas kudarayan in dawladda Norway ay warqad ugudbisay dawladda Ethiopia oo ay urururada OLF iyo kuwa AFD ku midoobay ay ku codsanayaan in dawladu la furto wadahadal.

Dhinaca kale waxa lasoo jeediyay in dib u habayn lagu sameeyo ururka EPRDFta, taasoo laga bilabayo in la badalo magaca ururka, balse arintaas magac badalidda ah waxaa si adag uga soo horjeestay raisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha Adissu Legesse oo aad moodo inuu kuguulaystay is hortagiisii.

Waxaa iyadana lasheegaya in m/weynaha wadanka Ethiopia Girma Wolde-Girogis oo arimo caafimad ujooga wadanka Sacuudiga xilli dhow labadali doono, maadama u xiligiisii dhamaan doono dhamaadka bisha Oktoober ee sanadkan, isagoo lasheegayo in lagu badali doono Shifferaw Jarso oo hadda ah wasiirka Biyaha dawladda Ethiopia.


Godeynew.com ((The Indian Ocean Newsletter)

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com