GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Baydhaba: Wasiirkii Dastuurka ee DKMG Cabdalla Deerow Isaaq oo la dilay.

Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow Isaaq oo Salaaddii Jimcaha kadib lagu toogtay magaalada Baydhabo.


Alle ha u naxariistee waxaa maanta Salaaddii Jumcaha kadib lagu dilay masaajid kuyaala gudaha magaalada Baydhabo Wasiirkii Dastuur iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow Isaaq. sida ay wararka Baydhaba ka imaanaya ay sheegayaan dilka wasiirka waxaa ka dambeeyay nin ku hubeysnaa Bastoolad, kaasoo afar xabadood marxuumka kaga dhuftay Shafka ama Laabta.

Marxuumka ayaa markii la dilayay waxuu Salaaddii Jimcaha ku soo tukaday Masjid kuyaala magaalada Baydhabo. Marxuumka ayaa loola cararay Ibitaalka Daarul Shifaa ee magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ku naf waayay, waxaana kadib meydkiisa la geeyay guriga uu magaalada Baydhabo ka deganaa.

Taariikh nololeedkii Abdalla Deerow oo kooban: Alle ha u naxariistee Cabdalla Deerow Isaaq waxaa uu ku dhashay Degmo ka tirsan Gobolka Bakool, wuxuu lahaa waxbarasho ilaa heer Kuliyadeed ah, isagoo markii ay dhacday dowladdii Siyaad Bare ka mid noqday Ururkii SDM oo uu kadibna kaga sii gudbay Jabhaddii RRA-da oo uu Xoghaye guud ka noqday, ilaa ay u suurtagashay in uu ka mid noqdo ergadii Beelaha Digil iyo Mirifle ee loo qaaday Shirkii Carta.

Gabagabadii shirkii Carte Cabdalla Deerow waxaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladdii Carta ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

Shirkii Soomaalida Kenya loogu qabtay ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Marxuumka shirkaasi wuxuu ka helay jagada Xildhibaanimo, isagoo kadibna noqday Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo uu ahaa ilaa maanta.

Shaqaaqooyin aan la'aqoonin cida kadanbaysa ayaa mudooyinkanba kasocotay magaalada Baydhaba oo xarun kumeel gaadh u ah dawlada Abdullahi Yusuf.

Waxii warar ah ee isasoo ee kasoo siyaada arimaha Somalia kala soco shabakada GodeyNews.

GodeyNews Staff

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com