GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Boodhcaano: Raisul wasaare kuxigeenka Ethiopia mudane Addese Legassu oo wax garadka degmada Boodhcaano ugu bishaareyay in xilli dhow degmo buuxda loo aqoonsan doono Boodhcaano

Warar aan ka helnay illo xog ogaal ah oo qeyb ka ahaa waftidii booqashada kutagtay magaaloyinka Godey iyo Boodhcaano ee uu hogaaminayay raisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka beeraha dawladda dhexe mudane Addisu iyo m/weynaha Kilika mudane Cabdullaahi xasan lugbur ayaa noo sheegay in masuliyiinti meeshaas tagtay Airportka caalimiga ah ee (Godey-Xiddidoole Airpotna) si fiican loogu soo dhaweeyayay, isla markaasna ay aad ugu farxeen sida wanagsan ee dadka deegaanku uga faa!ideysteen dhulbeeraadka iyigoo isku filnaansho buuxda ka gaaray wax soosaarka cuntada.

Dhinaca kale waxay dhagaysteen warbixin tafatiran oo ay masuliyiinta mashruuca maamusha si hufan ugu sharxeen raisul wasaare ku xigeenka iyo m/weynaha kililka qaabka iyo sida matoorada waaweyn ee biyo xireenku ushaqeeyaan iyo walina iyagoo kormeer kusoo maraiyay dhulbeereed cusub oo 4000hecter ah oo xilli dhow ay diyaariyeen ciidamada milatariga. Intaas kadib waxay waftidu soo arkeen Tulada RARANE oo meel aan kafogayn oo kun qoys oo beerelay ah looga dhisay 1000 guri oo wata xarumihii caafimaadka iyo guryo xafiisyo badan ah oo beeralayda laga caawiyo.

Raisul wasaare kuxigeenka ayaa waxgaradkii iyo masuliyiintii deeganka oo uu horkacayo wasiirka beeraha kilika mudane Cabdullaahi cabdi laag oo laga soo doorto deeganka Godey in muddo ahna arimo shaqo ujoogay Gobalka Godey ayaa waxuu mudane Addisu u sheegay in isaga waftigiisu ay aad ula dhaceen xawliga uu kusocda dib u dejinta dadka beeralayda iyo waliba waxsoosaarka oo maalinba maalinta ka danbeysa kor usii kacaya.

Raisul wasaare kuxigeenka aya sheegay inuu sanadkii hore bilawgiisii u yimid magaalada Boodhcano isbadal aad u badana oo dhinacyo badan ahna uu hadda magaalada ka muuqda, isla markaasna waxaan aad ugu farax sanyahay sida wanaagsan ee dadka reer Boodhcaano uga faaideysteen mashruuca biyo xireenka oo ah kan ugu weyn geeska Afrika, dawlada dhexena ay lacago badan kubixiso si ay dadka noloshiisu kor oogu kacdo.

Waxaa kaloo iyadan naloo xaqiijiyay in raisul wasaare ku xigeenku usheegay M/weynaha Kilika mudane Lugbur in sida ugu dhakhsaha badan loosoo gabagabeeyo aqoonsiga buuxa ee degmo noqosho ee magaalada Boodhcaano oo muddo lagu hawlanaa, taasooy dawladda dhexe ay aad usii dhaweynayso. Magalaada Boodhcano hadii wax soosarkeedu sidaas kusii socdo muddo gaaban waxay qudin doontaa shacabka kudhaqan ismaamulka soomaalida Ethiopia oo marwalbaba cunto yaraan lasoo daristo.

Mudane Addisu oo ah raisul wasaare kuxigeenka wadanka iyo waliba wasiirka beerha ayay booqashadiisan noqonaysaa midii labaad ee kutago deeganka Boodhcaano muddo an kala fogayn. Deegaanka Boodhcaano ayaa hadda kahor laga soo dooran jiray Ambassador Abdi Doolaal oo ay aad iskugu dhaw yihiin saaxiba isku dheerna yihiin Raisul wasare kuxigeenka iyagoo isbarashadoodu ay kuleg leedahay ilaa iyo xiligii ardeynimadodii heer Jaamacadeed oo ay isla dhigan jireen.


Cumar Yare,
Godeynews.com
Godey.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com