Waxyaabaha ugu muhiimsan inay madaxda deegaamada kala hadlaan ayaa lafilayaa inay ugu badan tahay sii xoojinta arimaha nabad galyada iyadoo dawladda Ethiopia ay walwal badan kaqabto nabadgalyo xumi ka dhalan karta kacdoonka cusub ee Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya ee gacanta kuhaya meelo fara badan oo kamid ah Koonfurta-Soomaliya.
Arintan oo daba socota hadalkii kasoo yeeray waftidii heerka federaal ahaa ee maalmaha dhaweyd booqashada ku yimid degmooyinka Boodhcaano iyo Godey ayaa maruu lahadlayay shacabka Raisul wasaare ku xigeenka Ethiopia waxuu u sheegay waxgaradka, ganacsatada iyo maamulka Gobalka Godey inay ku tartamaan horumarka deegaanka, isla markaasna ay iska ilaaliyaan kolba waxii wiiqi kara nabad galyada deegaanka.
Dhinaca kale waxaad ogaataan inaad ku nooshihiin dhulka ugu barwaaqo badan Ethiopia waa hadii aad garanaysaan oo aad diyaar utihiin inaad ka faaideystaan, isla markaasna aad sidu yahay u fulinaysaan mashaariicda lacagaha badan ku baxayso ee kasoosocda dawladda dhexe, kuwaasoo loogu tala-galay horumarinta dhulbeereedka Ismaamulka Soomalida khaastan dhulbeereedka kuyaalla wabiyada hareerohooda.
Degmada Feerfeer oo deegan ahaan kutaalla xadduudka ayaa waxaa kusugan ciidamo fara badan oo Ethiopian ah, marar badanna soomalidu waxay sheegaan inay tahay meesha lagu uruurinayo maleeshiyaad kasoo horjeeda maxaakiimta islaamiga, isla markaasna ay tahay meesha ay ciidamada dawladda Ethiopia ay markastaba kasoo talaabaan markay rabaan inay soo galaan gudaha gobalka Hiiraan.