Siday doontaba wax ha udhacee waxaa lasheegayaa in magaalada Godey loo magacaabay duq cusub kasoo lagu magacaabo mudane Mukhtaar Sheekh Xasan oo badali doona duqii hore ee magaalada mudane Dayib Yusuf Macane oo xilli kooban masuuliyadaan hayay.
Mudane Mukhtaar ayaa sida lasheegayo muddo dheer kashaqeyn jiray maamulka dawladda hoose ee magaalada Godey oo inta badan dadka magaaladu ay aad uga eed sheegtaan sida ay u gataan masuuliyadooda.
Madaxa xafiiska duqa magaalada Godey ayaa awood badan oo maamul iyo dhaqaaleba inta badana shacabku ay dhakhsaba dareemaan awoodiisa maamuleed. Duqa magaalada Godey ayaa maamula dhaqaalle badan oo sanadkii hore ee tagay lagu qiyaasay inaysan kayareyn illaa iyo 3.5 million Birr. Dhaqaalahaas oo inta badan kasoo gala lacago canshuur ahaan loo qaado, ganacsatada magaalada, baabuurta xamuulka inta badan soomaaliya kayimaada, dhulka ay canshuuraan iyo waliba canshuuraha ay ka qaadaan dhulka lakala gadanayo.
Iskusoo uruuriyoo isbedal cusub oo lagu sameeyo mid kamid ah maamulada Kililka Soomaalida (heerku doonaba ha ahaadee) ayaan wax badan bedalaynin inta jahwareerka ay kujirto siyaasadda deegaanka iyo waliba inta maamul habacsanaantu ay kasii jirto maamulka Kililka Soomaalida Ethiopia oo aad moodo inu indhaha iskusii qabsanayo maalinba maalinta kasii danbaysa.