GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Jijjiga: Guddiga Fulinta xisbiga oo qiimeyn kusameynaya Cali Kunay iyo mauuliyiin kale oo 27 gaaraya oo kasoo jeeda Gobalka Libaan oo shaqadoodii laga eryay!!!

Wararka magaalada Jijjiga kasoo baxaya ayaa sheegaya inuu furmay kulan lagu qiimeynayo xubnaha sarsare ee kasoo jeeda gobalka Libaan kuwaasoo uu kamid yahay afhayeenka barlamaanka mudane Cali Kunay.

Waxuu arinkan qiimeynta ah daba socodaa mid isla magaalada Jijjiga maalmo kahor lagu sameeyay dhamaan masuuliyiinta degmooyinka gobalka Libaan oo illaa iyo 27 xubnood oo uu kujiro gudoomiyahii gobalka Libaan, kii maaliyadda iyo gudoomiyaal degmooyin ay shaqadoodii ku waayeen oo xilkii meeshaas lagaga qaaday.

Hadaba wararka maanta laisla dhexmarayo magaalada Jijjiga ayaa sheegaya in masuuliyiin kamid ah guddiga fulinta xisbiga ay bishinta qaniinsan yihiin, isla markaana isu diyaariyaan sidii xilka looga qaadi lahaa mudane Cali Kunay oo in badan ahaa afhayeenka barlamaanka ismaamulka soomaalida isagoo Jijjiga looga yaqaano "aabaha masuqmaasuqa kililka 5aad."

Meesha iyo qaabkan hadda la isku qiimeynayo ayaa kagedisan qaababkii hadda kahor ay xubnaha guddiga fulintu amase maamulka sare ee kililku wax ku qiimeyn jiray. Sababtoo ah waxaa waayadii hore deegaanada loo diri jiray guddi kolba soo qiimeysa meesha cabashooyinku ka imaadaan kuwaasoo inta badan lacago kasoo uruursan jiray dadka xigaalkooda ahna usoo magacaabi jiray jagooyinka banaanada. Balse hadda xaaladu sidaas way ka gedisan tahay oo waxaa qaabkan in wax lagu qiimeeyo soo amray xafiiska raisul wasaaraha oo shirkoodii ugu sheegay "xitaa dadka qiimeynta aan idinku soo dirno lacago badan ayaad siiisaan oo iyaga laftigooda waad gadataan."

Sida lasheegayo magaalada Jijjiga waxaa lagu wada qiimeyn doonaa dhaman degmooyinka uu kakooban yahay ismaamulka soomaalida iyagoo gobal-gobal maamuladooda loogu yeeri deeno. Hadii degmooyinkaas maamuladoodu xumaadaana, waxaa hadana qiimeyn adag lagu sameyn doonaa xubnaha ugu sareeya goballadaas ee ugu jira guddiga fulinta .

Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in maalin dhaw iyagana la qiimeyn doono maamulada kajira degmooyinka goballada Godey iyo Qorexay oo sidan oo kale waxa maamul ahaan uga jira uu lamid yahay amase kasii liito midka gobalka Libaan ee xubnihiisii ugu sareeyay lagukala diray magaalada Jijjiga.

Isku uruuriyoo is qiimeyntaan la sheegayo ayaan waxba badelaynin oo uun looga tala galay sameyn dicaayado maamuleed oo meelna gaaraynin, sababtoo ah waxaaba hormuudka ka ah kuwii hormuudka ka ahaa maamul xumida jirta, isla markana boobka kuhaya xoolaha deegaanka. Wa su,aalle ma iyagaa u baahan in la xisaabiyo? mise inay iyagu wax xisaabiyaan.

Isla iyagii baa laleeyahay " is xisaabiya oo imaasaad nin kastoo qaadatay."

Cali Yare,
Godeynews.com
Jijjiga.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com