Dad xog ogaal ah hoose u ah M/weynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf ayaa sheegaya in kulankii maanta uu C/laahi yuusuf diiday taladii ay dawladda Ethiopia ku rabtay in lagu xaliyo khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Cali Maxamed Geedi oo dhamaanba ku fashilmay siyaasadii dib u heshiineed ay laga sugayay in dawladdisa fuliso.
Dawladda Ethiopia ayaa M/weyne C/laahi Yuusuf usoo jeedisay inuu ugu yaraan lix bilood sii jirto raisul wasaaranimada Geedi, isla markaana uusan kudegdegin xil kaqaadista Pro Geedi, balse kula talisay inay waji cusub oo siyaasadeed layimaadaan gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadooduba ay isku luuqad wada socota kuwada hadlaan, isla markaasna si fiicana ugasoo horjeestaan xoogagga Maxaakiimta Islaamiga ee dawladda culayska badan kuhaya.
Hase yeeshee sida la xaqiijinayo M/weyne Yuusuf illaa iyo hadda waa diidan yahay taladaas waxuuna ku adkaystay inaysan sii jiri karin wada shaqeyn kasii dhexaysa isaga iyo raisul wasaare Geedi oo hawshiisii buuxin waayay. Isla mar ahaantaana maalinba maalinta ka danbaysa ay dawladiisu sii dhuminayso kalsoonidii shacabka soomaaliyeed ay ku qabeen dawladdiisa oo wali taagan meeshay maraysay labo sano kahor.
Aqoon yahanoo caalimi ah oo darsa siyaasadda dawlada Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay mid jahwareer badan kujirto oo siyaabooyin fara badan isu dhexyaalla. Tusaalle ahaan mar waxay sheegtaa inay diyaar u tahay dib usoo celintii qarankii burburay ee soomaaliya. Balse waxay mar walbaba diidaa oo kahor imaataa kolba waxay soomaalidu ku heshiiso oo ay dan moodaan, iyagoo inta badan ku mashquuliya waxyaabooyin kale oo burbur iyo iska hor imaad hor leh keeni kara sida midka hadda dhexyaalla dawladda kumeel gaarka iyo maxaakiimta islaamiga oo la filayo inay Ethiopia ay C/laahi Yuusuf kahor taagan tahay inuu la heshiiyo xoogaga maxaakiimta Islaamiga.
Iskusoo uruuriyoo dawladda Ethiopia ayaa markastaba sheegta inay soomaaliya dano gaar ah kuleeyihiin, isla markaana ay muhiim tahay inay ilaaliyaan. Laakiin ilaalinta danahaas ay Ethiopia sheegayso ayaa loogu tala galay in lagusii kala daadiyo Ummadda Soomaaliyeed ee 15 sano masiibadu kuhabsatay.