Wasaaradda Macdanta iyo Energyiga Ethiopia ayaa sabtidii 05/08/2024 soo saartay qoraal ay kusheegayso in shirkadda Petronas oo Malaysian ah ay kuguulaystay qandaraaska lagu soo saarayo Shidaalka (Ogaden Basin) ee Jeexdin iyo Helale.
Shirkadan ayaa isla markiiba sheegatay 1.9 billion doolar oo ay kusamaynayso maalin gelin degdeg ah si loo hirgeliyo mashruuca soo saaridda shidaalka ee (Ogaden Basin), iyadoo carabka ku dhufatay inay rabto inay Jeexdin kasameyso warshadda sifeynta batroolka, kadibna ay hirgeliyaan dhisitaanka dhuumaha shidaalka qaada oo tegi doono dekadda Jabouti oo noqonaysa meesha ay raban inay shidaalka ka dhoofsadaan.
Waxaa lafilayaa in xilli dhow ay shirkadda Petronas iyo wasaaradda Macdanta wada saxiixan doonaan heshiiska rasmiga ah ee soo saarista shidaalka Ogaden Basin oo caygaaga dhul gaaraya 285sqkm oo udhexeeya magaalooyinka Shilaabo iyo Godey.
Sida laga warhayo shidaalka Ogaden Basin waxaa markii ugu horeysay 1972 helay shirkad Amerikaan ah oo lagu magcaabi jiray (Tennaco), balse in badan ayay damceen inay shidaalkaas soo saaraan xukuumadahii kala gedisnaa Ethiopia. Laakiin inta badan waxba kama socon jirin maadaama aysan deganayn xaaladda siyaasadeed ee deegaanka oo ay nabad galyo xumi jirtto ayaa inta badan heshiisyada shirkaduhu ay la galaan dawladda Ethiopia aysan soo dhaafin albaabada xafiisyada dawladda.
Dhinaca kale waxan war loo heynin inay isbedal siyaasadeed keeni karto dhisitaanka ay shirkadda Petron sheegtay inay deegaanka ka dhisayso Warshadda Sifeynta Batroolka oo xiliyadii hore dawladda Ethiopia aysan ogolaan jirin iyadoo shirkadaha u sheegi jirtay in Warshadda Sifeynta laga dhiso xarumaha waaweyn ee dawladda sida magaalo madaxda labaad ee wadanka Diridhabo.
Iskusoo uruuriyoo hadii la rabo in la hirgeliyo soo saarista shidaalka Ogaden Basin waxaa lagama maarmaan ah in dawladda Ethiopia iyo Shirkadda Petrons ay tixgelin siiyaan dadka deegaanka oo xaq lama gudbaana ah u leh shidaalka Ogaden Basin. Hadii kale waxuu heshiiskan lamid noqoni kuwii hore oo kale oo xaquuqda dadka deeganka lagu xaqirayay waxbana kama socon doono.