Diridhabo: In kabadan 190 qof oo kudhintay fatahaadda Webiga Dechatu ee Magaalada Diridhabo
Roobab fara badan oo ka da,ay Koonfurta Ethiopia ayaa keenay fatahaadda Webiga Dechatu oo ay ku dhinteen 190 qof oo kunool Magaalada Diridhabo iyo agagaarkeeda.
Dhinaca kale waxay roobabku burburiyeen guryo iyo waliba tuulooyin kuyaalla dhulka hoose ee qowmiyadda Canfarta oo markii fatahaadu haleelaysay aan ka warhaynin oo hurdo kujiray.
Hase yeeshee booliska iyo hayadaha gargaarka Ethiopia ayaa illaa iyo hadda xaqiijiyay inay heleen maydka 101 qof oo kamid ahaa dadkii biyuhu qaadaan iyagoo kusugan magaalada Diridhabo. Balse waxaa adeg in si dhab ah loo ogaado tirada rasmiga ah ee ku dhimatay fatahaada Webiga Dechatu.