London: Mudane C/laahi Maxamed Sacdi M/weynahi ugu horeeyay ee Kililka Soomaalida oo isagoo London jooga ku qoslay wararka sheegaya inuu ku sugan yahay Magaalada Jijjiga!!!
"Waa wax kama jiraan wararka maanta lagu qoray websityada qaar ee sheegaya inaan ku suganahay Magaalada Jijjiga" Sidaasna waxaa yiri mudane Cabvdullaahi Sacdi oo ahaa m/weynahii ugu horeeyay ee Ismaamulka Soomaalida- Ogaadeeniya, isla markaana kamid ahaan jiray xubnihii ugu sareeyay ururkiii ONLF.
Hadaba maanta maray Godeynews xiriir lasemaysay isagoo kusugan London ayaa waxuu kujawaabay sidan; Waxuu hadaladaas kutilmaamay "kuwo lagu qoslo oo been ah, isla mar ahaantaana aan mudnayn in laga jawaabo."
Sidoo kale Mudane Sacdi isagoo sii wata waxuu yiri "waxaan shacabka uga digayaa inaysan ku khaldamin kuwa qoraaladan ka danbeeya oo is qarinaya midabo-badan isticmaalaya walina kusii fikiraya inay iyagu danta iyo qadiyadda deegaanka kaligood matalaan oo uusan qof kale ka hadli karin."
Isagoo sii watana waxuu yiri "Waxaa wax laga xumaada ah inay jiraan kuwa wali kunool mugdi intaas leg oo dadka ka dacaayeeda meelaha fadhi kudirirka, isla markaasna ka beecmushtara dacaayado raqiis ah oo aan waxba kajirin.