Nairobi: Sheekh Ibraahim Sheekh Muxumed Dheere oo xoriyadiisii usoo noqotay Nairobina laga dejiyay, kadib markii danbi lagu waayey!!!
Warar ilo xog-ogaal ah aan kahelayno ayaa sheegaya in wadanka Kenya loo masaafuriyay Sheekh Ibraahim Sheekh Muxumed Dheere oo muddo dheer ku xirnaa wadanka Maraykanka wax danbi ahna lagu waayay.
Sheekh Ibraahim ayaa waxaa markii hore lagu eedeeyay inuu kulug leeyahay ururada xagga jira, balse been noqotay markii lahor keenay maxkamadda. Intaas kadib ciidamada amniga Maraykanka ayaa haddana danbi hor leh u raadiyay Sheekh Ibraahim iyagoo ku eedeeyay arimo la xiriiri sharcigiisa iyo siyaabooyinka uu wadanka kujoogo.
Hase yeeshee waxaan wali noo cadeyn meesha ay ku danbaysay maxkamadii iyo go,aanadii kasoo baxay. Balse warsidaha Godeynews waxaa soo gaaraya in Sheekh Ibraahim xoriyadiisii u dib u helay loona masaafuriyay wadanka Kenya uuna kusugan yahay magaalada Nairobi.