(GN) Warar baahsan oo dad xog-ogaal ah nagasoo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Ethiopia isu diyaariyeen inay weerar lama filaan ah ku qaadaan meelo fara badan oo kamid ah xaduudada soomaaliya.
Wararki ugu danbeeyay ayaa waxay sheegayaan in maanta ay ciidamadoodu kala jareen jidka isku xira magaaloyinka Guriceel iyo Balanballa taasoo hakisay baabuurtii ukala gooshi jirtay deegaamadaas.
Waxaa sidoo kale lasheegayaa inay jiraan ciidamo kale oo usii gudbay meelo kamid ah gobalka Mudug oo ay ku suganyihiin kuwa kasoo horjeeda maxaakiimta islaamiga.
Dhinaca kale cabsi aad u badan ayaa kajirta magaalada Baledweyne oo lafilayo inuu dagaal kadhici doono u dhexeeyn doono maleeshiyaadka feerfeer lagu uruurinayo iyo maxaakiimta magaalada gacanta kuhaya.
Sidoo kale wararka aan kahalyno magaalada Godey ayaa xaqiijinaya inay baabuurta dagaallka ay kusii qulqulayaan magaalada feerfeer iyagoo lafilayo inay taageero dheeraad ah siisiin doonaan maleeshayaadka inta mudada ah magaaladaas lagu uruurinayay ee ay hogaaminayaan dagaal ogayshii lagaga soo adkaaday deegaamadii ay katalin jireen.