Addisababa: US Ambass Vicky Huddlestone oo xabsiga ku buuqatay madaxda CUD
Vicky Huddlestone safiiradda dawladda Mareykanka ayaa xabsiga ku buuqatay xubnaha ururka CUD ee mudada u xir-xiran iska hor imaadkii siyaasadeed ee kadhashay doorashooyinkii sanadkii hore.
Vicky ayaa xubnahaas u sheegtay inay rabto inay wadahadal lagasho dawlada sidii loosii daayo, balse waa hadii ay ogolaadeen wada hadalka iyo ilaalinta dastuurka wadanka. Wada hadalkaas dhexmaray safiiradda iyo xubnaha xisbiga CUD waxu kudhamaaday is afgaranwaa oo way ku gacan sayreen talada Vicky Huddlestone ay soo jeedisay.
Iyagoo si wadajir ah uyiri" Hadii aana dasturka wadanka ogolayn marka horeba kama aanan qayb qaadanayn doorashadii aan ugu guulaysanay sida sharciga waafaqsan, balse xooga lagu qaatay anagana xabsiga naloo geliyay." Laakiin waxaan soo jeedinaynaa in lagu baaqo dib u heshiisiin weyn oo nabadeed ayna kasoo qayb galaan dhamaan siyaasiyiinta wadanka si xal waara loo gaaro.
Waxay sidoo kale xubnahan sheegeen in shacabka Ethiopia aysan dhag u dhigin dacaayadda TPLF oo awoodeedu sii baabayso, isla markaasna kugulaysan waayay in shacabku taageero ciidamada loo diray soomaaliya.
Sidoo kale Congressman Donald Payn oo kamid ah guddiga arimaha dibadda Marekanka oo todabadkii hore wadanka booqasha kuyimid ayaa Zenaawi si cad ugu sheegay "Waa inaad sii degdeg ah usii daysaa dhamaan dadka kuugu xirxiran arimo siyaasadeed.
Ugu danbayntii waxay safiradda kacodsadeen inay si wadajir ah ula kulanto hadii ay markale soo booqato.!!