GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Minnesota: Salaaddiin iyo Aqoonyahano kasoo jeedda gobolka Soomaalida Ogadenia ee Minnesota oo Qado sharaf u sameeyey Waftigii Puntland.

Odayaal iyo Salaaddiin ka tirsan gobolka Soomaalida ee Ogadeeniya ee ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa waxay qado sharaf u sameeyeen waftigii ka socda dowlad gobaleedka Puntland ee uu hogaaminayey wasiirka Maaliyadda ee Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab).

Odayaasha iyo waftiga ayaa qadadii ka dib waxay yeesheen wadahallo aad u dheer oo ku saabsan guud ahaan Soomaalida iyo waxyaabaha ka jira gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan waxaa wadahaladdaas diiradda lagu saarey waxyaabaha ka dhexeeya Maamul goboleedka Puntland iyo Gobolka Soomaalida Ogaadeenya. waxyaabaha inta badan laga hadlayey waxaa ka mid ahaa sidii loo horumarin lahaa xirrirka ka dhexeeya labada shacbi oo ay ugu horreyso dhinaca nabad gelyada, ganacsiga iyo wax wadaqabsiga.

Suldaan Cabdiqani Suldaan Calisaafi oo ka mid ahaa salaadiintii iyo waxgaradkii shirkaa ka hadlay ayaa ku dheeraadey taariikhda soo jireenka ah iyo xiriirka ka dhexaaya labada umadood waa Puntland iyo Gobolka Soomaalida Itoobiya, waxaa uuna ka codsadey waftiga iney ku dadaalaan haddii ku laabtaan dhulkii inay horseedaan sidii dadka goboladaasi ay u horumarin lahaayeen nabdgelyada iyo wax wadaqabsiga ka dhexeeya , iyadoo waxgaradka labada dhinac laga codsadey inay wax walba ka hoorreysiiyaan Nabadgelyada.

Waxaa isaguna halkaas ka hadley Maxamud Canshuur oo isaguna si aad ah uga hadlaey sidii loo horumarin lahaa midnimada iyo wadajirka dadka ku nool labada Gobol waxaa uuna ka codsadey Madaxda iyo Maamulka Puntland inay iyagu hporseedaan sidii ay howlahaasi ku hirgali lahaayeen.Sidoo kale waxaa uu ku nuuxnuuxsadey, sida ay lagama maarmaanka u tahay iskaashiga iyo isdhexgalka Dadka ku nool labada gobol ee Dariska iyo Walaalaha ah.

Ugu dambeyntii waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Puntland Md. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab waxaana uu wasiirku sheegey in Dowlad Goboleedka Puntland ay Nabadgelyadu ay Astaan u tahay intii maamulkaasi Jireyna wax badan laga faa'iidey oo dhamaan gobolada dariska la ah si aan kala sooc lahayn ay Puntland ula macaamishey.

Wasiirku waxaa uu sheegey in Dadka degaanka Soomalida {Ogadenya)
ay yihiin kuwa si aad ah ugu xiran Ganacsiga gobolada Puntland, iyagoo kala soo dega Badeeco aan la soo koobi karin isla markaana waxay hal;kaasi ka dhoofsadaan waxyaabo badan oo ay ugu horreyaan Xoolaha nool.



Wasiirku waxaa uu ka ballan qaadey Salaadiintaas iyo waxgaradkii shirkaas joogey in Maamulka Puntland ay ku dadaali doonaan sii horumarinta iyo wax wadaqabsiga labada Umadood . waxaa shirkaas ka horeeyey shirweyne kale oo dhexmarey Jaaliyadda iyo aqonyahanno ka soo jeeda Puntland iyo kuwa Soomaalida Itobiya.

Xafladdan qado sharafta ah dadkii ka soo qaybgaley waxaa ka mid ahaa Wassir ku Xigeenka Dekedaha iyo Klauumeysiga Puntland Md. Abdiwali Abdiraxman, sidoo kale Waxgaradkii iyo Odayaashii halkaas Joogey ee ka socdey Gobolka Soomalida Itoobiya waxaa ka mid ahaa:

1.Suldaan Cabdiqani Suldaan Calisaafi
2.Maxamed Canshuur Faarax
3.Maxamed Muumin Dacey
4Maxamed Macalin Aburaas.
5.Siyaad Carab Kaahin (labasuul)
6.Cabdullaahi Cabdi Yare
7. Sh. Cabdullahi Cali (Sahyuun)
8.Nuur Cali Abshir
9.Cabdiqani Sheekh Axmed (Jiis)
10.Muuse Sh. Maxamed Qurxiye
11.Xasan Cabdullahi Geeddi
12.axamuud Cali Mahdi
13.Nuur Cali Abshir

Guud ahaan shirkkasi waxaa uu ku dhamaadey Jawi aad u wanaagsan iyo Is-afgard Buuxa.


Godeynews.com

Xigasho: Abdifataax Maxamed Abdinur.
RSTV NewsRoom.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com