Dadka deganaa dhulka hooseya sida webiyada hareerihiisa ayaa waxay bilaabeen inay dhulka sare u guuraan ee biyuhu ayna gaari karin. Illaa iyo hadda inta la ogsoon yahay wax kudhinta majiro, balse waxay biyuhu wax yeleyeen dhulbeereed, dalagyo beernaa iyo waliba bakhaaro raashin lagu keydiyo.
Dhinaca kale Webiga Weeb ayaa isagana kufatahy deegaamo balaaran iyo tuuloyin fara badan oo kukala yaalla degmooyinka Hargeelle iyo Cherreti oo kamid ah gobalka Afdheer. Dad lagu qiyaasay illaa iyo 8,104 qof oo kudhaqan deegaano hoos yimada degmada Cherreti ayaa ku wax yeeloobay dhibatada fatahaadda.
Sidoo kale waxaan illaa iyo hadda wali si fiican usugnayn heerka ay la egtahay dhibaatada soo gaartay dhinaca degmada Hargeelle iyo inta ay dhibaatadu le,egtahay.