Odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa kacodsaday wasiirka inuu kabadallo matoorada duqoobay ee magaalada biyaha usoo jiida kuwaasoo muddo dheer aan helin dayactir quman isla mar ahaantaasna u baahan in si degdeg ah loo badallo.
Dhinaca kale Mudane Gurey Fidaar ayaa dhanaciisa aad ugu garaabay wax garadkii lahadlayay isagoo sheegay "inay Godey tahay magaallo aad u weyn markii loo fiirayo magaaloyinka deegaanka koritaankeedu uu xawli kusocdo, isla markaasna ay tahay caasimidii dhabta ahayd ee deegaanka. Sidaas darteed madaama oo aan ahay wasiirkii biyaha deegaanka ayaan codsigiina tixgelin gooni ah siin doonaa anigoo isku dayi doona inaan sida ugu dhakhsaha badan wax ooga qabto codsigiina iyo cabshadiina kuwajahan biyo xumida kajirta magaalada Godey.
Mudane Gurey ayaa laga soo doortaa degmada Qabridaharre isagoo hadda kahor isku sharaxay jagada m/weynimada kilika ayaa hadana waxay in badan kutilmaamaan inuu kamid yahay ragga xiligan ugu cadcad siyaasadda deegaanka, isla markaasna kamid ah xubnaha fara kutiriska ah ee awooda badan kuleh dawlad deegaameedka uu hormuudka kayahay mudane C/laahi xasan Lugbuur.
Dhinaca kale shirka Jijjiga ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdi Cali Shagax iyo ku xigeenkiisa mudane Dauud Diiriye ayaa labaduba si qoto dheer uga hadlay xaruntii shirka lagu furayay ee magaalada Jijjiga, iyagoo kula hadlayay in kabadan 2400 oo macalim oo kasoo kala jeeda goballada Jijjiga, Wardheer, Fiiq, Dhagaxbuur iyo Shiniille. Shirkan ayaa sida kan Godey oo kale socon doono muddo 10 cisho ah.
Iskusoo dudooboo waxaan illaa iyo hadda cadeyn ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa shirarkan noocan oo kale ah ee loo qabanhayo macalimiinta deegaanka oo aan hadda kahor dhicin iyo waliba ujeedada dhabta ah ee masuuliyiinta ugu sareeysa xisbiga deegaanku ay kaleeyihiin qabashada shirkan oo lacago fara badan lagu cuni doono.!!!