GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Wareegto: Sheegaysa in Golaha Dhexe ee ONLF isugeyn 11 xubnood laga eryay iyo Prof. Maxamed Wali Cabaas iyo Sulub Cabdi Axmed oo ay beenooday inay kujiraan xubnahaas lasaaray!!!

Waxaa si daba joog ah warsidaha Godeynews usoo gaaraya warar rasmi ah oo sii xoojinaya qoraalkaanigii hore ee aan labo todobaad kahor kusheegnay in xubno sarsare oo kamid ah ururka ONLF laga saaray golihii dhexe, meesha gebi ahaanba xubno kale laga saaray golihii dhexe iyo xubinimadii ururka.

Wararka rasmiga ah ee Godeynews soo gaaraya ayaa sheegaya in isu geyn xubnaha laga saaray golaha dhexe ay tiro ahaan gaarayaan 11 xubnood oo 6 kamid ah lagusoo eedeeyay inay danbiyo kagaleen ururka. Meesha 5 kalena lagu soo eedeeyay inay gudan waayeen waajibaadkoodii, isla markaasna ay dayaceen masuuliyadoodii gole dhexenimo.

Magacyada 6 xubnood ee danbiyada lagu soo oogay ayaa waxay kala yihiin sidan;

1-Dr Maxamed Siraad Dolaal-----laga saaray xubinimadii golihii dhexe
2-Yuusuf Aden Taani--------------Laga saarey xubinimadii golaha dhexe
3-Maxamed Shariif----------------Laga saarey xubinimadii golaha dhexe
4-Sulub Cali Cabaas--------------Laga saarey xubinimadii golaha dhexe
5-Eng Salaxudiin Macow--Laga saarey golaha dhexe iyo tii ururkaba
6-Cabdullaahi Geelbeele--Laga saarey golaha dhexe iyo tii ururkaba

Sidoo kale waa kuwan magacyada 5 xubnood ee lagu sheegay inay kasoo bixi waayeen masuuliyadooda;

1- Axmed Ugaas Cabdullaahi--Laga saarey golihii dhexe
2- Cabdullaahi Ibraahim Biixi--Laga saarey golihii dhexe
3-Cabdi Cadood---------------Laga saarey golihii dhexe
4-Ilyaas Sheekh Cali---------Laga saarey golihii dhexe
5-Yuusuf Maxamed Mubaarak--Laga saarey golihii dhexe

Dhinaca kale waxaa nasoo gaaray magacyada 5 xubnood oo markii hore sugayaal gole dhexe ahaa oo lagu badalay xubnahaas qaarkood magacooduna waa sidan;

1- A/raxmaan Jiis
2- Faysal Daahir Nuur
3-C/qaadir C/laahi Gamaadiid
4-Axmed Majeerteen
5-Maxamed Yuusuf

Isbedalka weyn ee lagu sameeyay golaha dhexe ee ururka ONLF ayaa dadka qaar u arkaan mid keeni karta iska hor imaad iyo kala jab kuyimaada ururka dhexdiisa. Iyadoo durbaba ay soo baxayaan daldaloolyo laxiriira qaabka lagu eryay xubnahan inaysan waafaqsanayn qawaaniinta ururka, isla markaasna ay kahor imaanayso heshiiskii lagu gaaray shirkii golaha dhexe ee kan kahoreeyay.

Heshiiskaas oo sheegayay "inaan golaha dhexe ee ururka qofna lagusoo dari karin lagana saari karin, ilaa iyo inta laga qabanayo shirweynaha guud ee ururka oo maamul cusub lagu dooran doona."

Guud ahaan Golaha dhexe ee ururka ONLFta ayaa kakooban 51 xubnood oo meelo kala gedisan jooga. Hadii larabo inay wax laga badalo golaha dhexe ururka waxaa qasab ah in meesha wax lagu badalayo ay ugu yaraan joogaan 26 xubnood . Balse taas madhicin oo waxaa meesha joogay 13 xubnood oo kaliya, isla markaasna 11 xubnood kasaaray golihii dhexe oo labo kamid ah ay meesha joogeen.

Micnuhu waxaa weeye 11 xubnood oo gole dhexe ah ayaa 11 xubnood golihii dhexe kasaaray oo qaarkood shirka joogeen.

Iskusoo dudooboo qaabka iyo sida loo sameeyay isbedalkan ayaa wali fasiraadyo badan laga bixinayaa iyadoo dadka qaar ay leeyihiin waa waxaan macquul ahayn in 11 xubnood ay eryaan 11 xubnood oo kale.

Meesha qaar kalena ay leeyihiin " Waa sax in mararka qaar sharciga laga leexdo si ujeedada ururka loo gaaro. ONLFna uma baahna dad magac uyaal ah oo inta badan maleegaya jilaabatooyin lagu kala qaybinayo xubnaha ururka."

P.S: Godeynews waxay raali gelin ka bixinaysaa qayb kamid ah qoraalkaanigii hore oo dib markaan u baarnay khalad noqday.

Waxaan dib ka ogaanay inay been tahay in Prof Maxamed Wali Cabaas iyo Sulub Cabdi Axmed laga saaray golaha dhexe ee ururka, labadan xubnood magacooda ayaan ku khaladnay kuwa kale oo ay isku magac dhow yihiin.

Godeynews Staff,
[email protected]

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com