Mooyaale: 2 xubnood oo jabhadda OLF ah oo maxkamadda Kenya ku xukuntay 52 sano oo xabsi ah!!
Maxkamadda magaalada Mooyaale Kenya ayaa xukun 52 sano ah kuriday 2 xubnood oo lagu sheegay inay kujiraan jabahdda Oromo Liberation Front (OLF). Labada xubnood ayaa lagu qabtay labo qori oo AK47, 139 xabadood iyo labo bomb gacmeed ah.
Labadan xubnood ayaa laqabtay 23 August maray hawl galyo wadeen ciidamada amaanka wadanka Kenya oo in badan sheegay in qulquladyo fara badan kajiraan dhinica Mooyaale Ethiopia oo inta badan ay kahawl galaan jabhadda OLFta oo kasoo horjeeda taliska Zenaawi.
Labad xubnood aya maxkamadii horteeda kaqirtay inay qayb kayihiin jabahdda, isla markaasna ay u galeen iyagoo loo balan qaaday lacago fara badan inay helayaan bil kastaba ksh5,000. "Sidaas darteed waxaan jabhada uga mid noqonay asbaabo dhaqaalle dartood." waa hadalkii maxbuus Nura Denga Jarso.