Warar ay qoreen warbaahinta ururada mucaaradka Ethiopia ayaa waxay kushegeen laga soo bilaabo bishii May 2005 ay safaaradha dibadda Ethiopia ka goosteen Diplamaasiyiin tiradoodu gaarayso 100 kuwaasoo isugu jira safiiro iyo xubno kaleba.
Dadkan goostay ayaa u badan kuwa aan kujirin ururka TPLF ee wadanka katalisa iyagoo qaxootinimo weydiistay wadamada reer Galbeedka oo inta badan xubnahan kashaqeyn jireen. Sababaha ugu badan ee diplomasiyiintan lagoosteen ayaa waxaa ugu badan siyaasad xumida guud ee kajirta wadanka, isla markaasna waxay diideen inay amar kaqaataan xubno iyaga kahooseeya oo Wasaarada Arimaha Dibadda daba dhigtay si loo ogaado dhaqdhaqaqooda inay xiriir laleeyihiin xoogaga mucaaradka ee kasoo horjeeda Dawladda.
Si arintaas looga hortago dawladu waxay kudhaqaaqday talaabooyin dib u habayneed oo laisku shandheenayo shaqaalaha safaaradaha dibadda kashaqeeya, khaastan kuwa kashaqeeya wadamada reer yurub iyo waqooyiga Ameerika oo lagu badalayo kuwa kale.