Xubnahan ayaa booqasho kusameeyay ceelasha biyaha degmada Cadaadle oo aad u tabar daran iyadoo dadka dadweynaha ay codsadeen in biyo gelin toos ah looga soo sameeyo webiga si ay uga baxaan ciririga biyaha kahaysta maadaama aysan webiga aad uga fogayn.
Intaas kadib waxay masuuliyiintu dib ugu soo noqdeen magaalada Godey gaar ahaan xarunta State Farm ama xafiiska horumarinta beeraha Godey oo ay yaaleen qalab fara badan oo matooro u badan kuwaasoo aad u dayacnaa isla markaasnaa ay shaqaalaha joogay usheegeen masuuliyiinta inaysan qalabkan wax hawl ah oo quman qabanin in kabadan 15 sano.
Mudane Axmed Shide ayaa shaqaalaha State Farmka u sheegay inay jirto miisanayad cusub oo xilli dhow ka imaanaysa Xafiiska Damaanad Qaadka Kililka oo gaaraysa 2,000,000 million Birr taasoo loo qabtay sanadkan Xafiiska Horumarinta Beeraha Godey ama (State Farm Godey.)
Sidoo kale Mudane Shide waxuu sheegay in hadii qalabkan si fiican loo dayactiro ay waxsoosaar fiican keeni karaan oo isugu jira raashin iyo qudaar noocyo badan ah oo kala gedisan mustaqabalkna loo dhoofin karo gudaha iyo dibadda wadanka.