Gudoomiye kuxigeenka Gobalka Qoraxey Mudane Haajir Maxamed oo warbixin kasamaynayay kulamdii ay layeesheen xubnaha maamulka degmada Dhoobaweyn ayaa sheegay in maanta degmada Dhoobaweyn ay horumar dhinacyo badan ah kutalaabsatay, isla markaasna ay mudan tahay in horumaradaas laga sii faa,ideysto oo dadka deegaanka ay ilaashadaan nabad galyadooda iyagoo ka dignoonaaya waxyaabaha khiyaaliga ah ee inta badan kubadan kuwa caadeystay beenta iyo waxun sheega kana soo horjeeda nolosha iyo horumarkooda.
Guud ahaan shacabka kudhaqan Gobalka Qoraxey ayaa kamid ah goobaha ciidamada dawladdu ay cadaadiska badan kuhayaan, iyagoo aaminsan in dadka deegaanku ay kubadan yihiin kuwa taageersan ururada dawladda kasoo horjeeda sida ONLFta.
Balse dad xogogaal ah oo siyaasadda deegaanka u dhuuun duleela ayaa arinkaas culayska iyo caga juglaynta ah kutilmaamay mid aan sax ahayn oo faa,iido u keynaynin siyaasadda dawladda ee ay kurabto inay kumaamusho deegaanka ismaamulka soomaalida.
Laakiin sida muuqata hadii sidaan kusii socdaan talooboyinka xad gudubka ah ay ciidamadu kuhayaan shacabka inay sababi karaan in dadku kusii bataan racista ururda dawladda kasoo horjeeda iyagoo rabo inay badbadiyaan naftooda amase raba inay kasoo aarsadaan dhibatooyinka loo gaysanayo.