NAIROBI: Dawladda Eriteiya oo xirxirtay shaqaalle UN ah iyo UNta oo Asmara kadalbatay in si degdeg ah loosii daayo!!!
Dawladda Eriteria ayaa xirxirtay shaqaale u shaqeeya UN qaybteeda nabad ilaalinta UNMEE ee kahawl gala xaduudka u dhexeeya dawladaha Ethiopia iyo Eriteriya taasooy ciidamo UN ah iyo shaqaale kaleba ay kusugan yihiin.
Wasaaradda Warfaafinta Dawlada Eriteria ayaa 29/08/06 bishan sii daysay qoraal ay kusheegayso inay qabatay xubin u shaqeeya UN oo si khalad ah ugu hawlanaa inuu wadanka kasaaro caruur, dad dhalinyaro ah iyo alaabo kaleba. "Arinkaas hadii uu run noqodana waa danbe aad u weyn oo ciqaabtiisu helis tahay" Wasaarada Warfaafinta Eriteriya.
Waxay kaloo wasaaradu intaas kudartay shakhsigan UN ta ah waxuu dadkan kaqaatay lacago fara badan oo laaluush ah isagoo dhalinyaradan kula balamay inuu wadanka kasaarayo, isla markaasna maho markii ugu horeeysay ay shaqaalaha UN Eriteria kasameeyaan arintan oo kale.
Dhinaca kale xafiiska UN ee magaalada Nairobi ayaa si adag u beenayay hadalka kasoo yeeray dawladda Eriteria, isla markaana kacodsaday dawladda Eriteria inay dhawrto xaquuquda shaqaalaha UN oo aan wax danbi ah kagelin dawlada Eriteria.
Markii ay qabanayeen xubinkan UN ah waxuu watay gaariga UN oo calaamadii kamuuqata isagoo ka amabaxay magalada Asmara kuna socday Adigrat oo dhinaca Ethiopi ah.
UNMEE iyo dawlada Eriteria ayaan caadi ahaan xiriirkoodu fiicnayn taasoo dawladda Eriteria ay ku eedaysa UNta inaysan wax talaabo ah kaqaadaynin dawlada Ethiopia oo diidan go,aankii UN ee lagu xaliyay khilaafka kataagan xuduudka u dhexeeya labada wadan oo muddo 2 sano ah dagaal isku hayeen.