Jijjiga: XAGEEY KU DANBAYSAY WAAN WAANTII NABADEEED EE GOBOLKA SOOMAALIDDA?
Xagee ugu danbaysay dadaaladii nabadeed ee hormudka ka ahaayeen guurtada ismaamulka soomaalida kaasoo socday muda dheer, isla markaasna lasheegayay in shirwayne lagu qaban doono wadanka gudihiisa si looga wada hadlo mustaqbalka gobolka.
Shirweynahan ayaa aqoonyahanada dibada iyo gudahaba lagu wargeliyay in lagaga hadli doono dib u habaynta siyaasadda gobalka oo in badan kujirtay wareer iyo fadhiidnimo dheer .
Dhinaca kale dowlada Fedaraalka Ethiopia ayaa dhinaceeda markii hore ogolaatay in shirkaasi lagu qabto dalka guduhiisa, isla markaasna ay cadaysay inay diyaar u tahay inay sii xoojiso rayigii ay wadeen guurtada ismaamulka soomaalida oo ahaa in nabad galyo iyo is afgarad laga abuuro gobalka soomaalida Ogaadeeniya. Laakiin waxaa hadda soo baxaya warar dad xog ogaal ah Godeynews kasoo gaaraya oo sheegaya in isbadalada siyaasadeed ee soomaaliya ay shirwaynahaas hakad geliso amase uusan qabsoomaynin.
Waxyaabaha keenay hakad kaas waxaa kamid ah:
1. Isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya oo dhaqajiyay dareenka dawladda Ethiopia
Dhamaan wax garadka siyaasadeed, duqeeyda iyo dowlada federaalka waxay go�aansadeen in shirwaynahaas uu xaliyo khilaafdka siyaasadeed ee mudada dheer soo jiray.
Nasiib daro waxaa muuqata in dowlada federaalku ka door bideyso xalka mushkilada gobolka Soomaalida, dagaalada ka socda Jamhuuriyada Soomaalida, oo halkii xooga ay ka saari lahayd sidii loo dhameystiri lahaa ama loo sii xoojin lahaa wadahadalka xalinta khilaafaadka gudaha oo ah masuuliyada xil gudashado ah oo saaran dowlada federaalka iyo Siyaasiinta iyo Guurtada gobolka.
Taasi waxay keentay in hawlihii waan waanta nabadeed ee socday in kabadan labo sano ay hakadaan ama ay ku dhawaadaan kuwo baaba�ay. Taasi waxay muujineeysaa in mar kasta oo wax garadka gobolka dadaal dhab ah la yimaadaan ay dowlada Ethiopia ka door bido arimo kale oo ka baxsan gobolka Soomaalida.
Maamulada kala gedisan ee soo maray dowlada Ethiopia ayaan waligoog si dhab ah diyaar ugu noqonin xal u helidda siyaasada murugsan ee Gobalka Ogaden. Iyagoo oo inta badan jahwareeriya dadweynaha xoogana saara arimo kale oo aan khuseynin danta dadka deegaanka oo sii kordhiya jahwareerkii iyo dhibatooyinkii kajirey siyaasada gobalka.